"Muusaw Taladii Qaranka Waad La Anbatay"

0
Saturday March 04, 2023 - 14:11:28 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 937
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Muusaw Taladii Qaranka Waad La Anbatay"

    "Muuse waxa aan ugu baaqayaa inuu dhagaysto talooyinka samaha"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Muuse waxa aan ugu baaqayaa inuu dhagaysto talooyinka samaha"



Hargaysa (HWN) Musharrax Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in aanu Muuse waxba kabaran dagaaladii dalka Soomaray ee uu goobjooga u ahaa.

 

Ciro ayaa intaasi kudaray in xukunkii iyo Garashadii Muuse dhashay xabad iyo xinjiro.

 

"Qaxa, barakaca, dhaawaca iyo dhimashada-Laascaanood ka socotaa, oo hore dadka reer Somaliland u soo mareen, Madaxwayne Muusa-na goob jog u ahaa- inuu casharro iyo duruus ka baran-waayo oo maanta waayo aragnimo ku baajin kari waayo dhibaatada taagani waxa ay muujinaysaa koritaan la’aan siyaasadeed, habow hoggaamineed iyo fashil dawladeed.

 

Madaxweyne Muuse, waxa aan leeyahay inta aad talada Qaranka la anban karaysay waad la anbatay, garashadaadii, xukunkaagii iyo xeeladaadii waxa ay dhashay xabad iyo xinjiro dhiig leh oo gudaheena ah, su’aasha ku hortaala ee aanad jawaab u haynin waxa ay tahay meeyay dalkii iyo Dadkii mideysnaa ee lagu dhiibay? Muuse waxa aan ugu baaqayaa inuu dhagaysto talooyinka samaha sida, maankiisana uu ku-hayo su’aasha ah sidee ayay u eekaan doontaa Somaliland ta aad ka tagaysaa dhawaan?" ayuu yidhi Musharrax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo manta warbaahinta kula hadlay Hargaysa.

 

Saddexdii caano maal ee ugu dambeeyay wax dagaal ahi kama dhicin Laascanood, walaw ay ciidamadu weli kukala suganyihiin goobihii ay hore ukala fadhiyeen.


Loading...
Loading...