Boqolaal Muhaajiriin la soo badbaadiyey & Mukhalas la qabtay

0
Saturday March 04, 2023 - 10:02:30 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 746
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqolaal Muhaajiriin la soo badbaadiyey & Mukhalas la qabtay

    Mid ka mid ah Muhaajiriinta ayaa loo dhiibay Boliska Talyaaniga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid ka mid ah Muhaajiriinta ayaa loo dhiibay Boliska Talyaaniga



Ilaalada Xeebaha ee Talyaaniga waxay shaaciyeen inay 211 Muhaajiriin laga soo badbaadiyey meel 28 KM dhanka Koonfurta kaga toosan Jesiirada Lampedusa ee dalkaasi.


 

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Ciiddanka Ilaalada Xeebaha Talyaaniga ayaa lagu xusay inay Muhaajiriinta oo la socday Dooni Kalluumeysi ay khatar ugu jirtay inay Mowjadaha kacsan la tagaan.



 

Mid ka mid ah Muhaajiriinta ayaa loo dhiibay Boliska Talyaaniga, kaasi oo lagu tuhunsan yahay inuu Mukhalas ahaa.


 

Hawlgalka maanta lagu soo badbaadiyey 211 qof oo Muhaajiriin ah ayaa waxa uu ku soo beegmay, iyadoo ay Axadii la soo dhaafay ay Dooni ku degtay Xeebaha Koonfurta Talyaaniga.


 

Ugu yaraan 68 mayd ah ayaa la helay, halka 8 kalena la la’ yahay.

 

Ilaa hadda wadarta maydadka la aqoonsaday ayaa gaarayo 54, kuwaasi oo kala ah: 48 Afgaanistaan, 3 Pakistan, min hal mayd oo ka soo kala jeeda dalalka Syria Tunisia iyo Falastiin.


 

Dhanka kale, Dacwad-Oogayaasha Talyaaniga waxay bilaabeen Baaritaanka Shilkaasi iyo waxa sababay inay Kooxaha Gurmadka aysan si degdeg ah u hawl gelin markii ay Doonida ku degtay meel ku dhow Xeebta loo dalxiis tago ee Steccato di Cutro ee Gobalka Calabria ee dalkaasi.

Loading...
Loading...