Ujeedada Tababaro Komishanka Xakamaynta Aids-ku Ka Fuliyey Gobolka Saaxil+Sawiro

0
Thursday June 20, 2019 - 18:18:31 in News by
  • Visits: 1241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ujeedada Tababaro Komishanka Xakamaynta Aids-ku Ka Fuliyey Gobolka Saaxil+Sawiro

    Ujeedada Tababaro Komishanka Xakamaynta Aids-ku Ka Fuliyey Gobolka Saaxil+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ujeedada Tababaro Komishanka Xakamaynta Aids-ku Ka Fuliyey Gobolka Saaxil+Sawiro


Hargeysa(HWN):-Komishanka xakamaynta xanuunka HIV Aids-ka oo uu hogaaminayo agaasimaha fulinta ee komishankaasiNaasir Ayjeex Jaamac ayaa gobolka Saaxil ka fuliyey tababaro ku saabsan ka hortaga cudurka Aids-ka.








Xubnaha ka tirsan komishanka xakamaynta Aids-ka ee tababarada ka bilaabay magaalada Berbera ayaa waxa hogaaminaya agaasimaha fulinta Naasir Ayjeex Jaamac waxaana qayb ka ah Maxamed Jaamac oo ah agaasimaha waaxda horumarinta shaqaalaha iyo tababarada iyo Kayse Maxamed isuduwaha komishanka ee gobolka Saaxil iyo Ducaale Saleebaan oo ah kormeeraha guud ee komishanka xakamaynta Aids-ka


Komishanka xakamaynta Aids-ka ayaa kulan muhiim ah oo u qabtay dadka barakacayaasha ah ee ku nool magaalada Berbera waxa uu kaga wacyi geliyey dhibta ay leedahay in la takooro qofka uu xanuunkaasi haleelo iyo qaabka ay uga hortagi karaan xanuunkaasi.


Agaasimaha fulinta komishanka xakamaynta Aids-ka Naasir Ayjeex Jaamac oo ka hadlay kulankaasi ayaa dadkii ka soo qayb galay kula dardaarmay inay daryeel wanaagsan iyo macaamil fiican la yeeshaan dadka uu xanuunkaasi ku dhaco, isaga oo u soo bandhigay qaabka cudurkaasi lagu kala qaado.






Sidoo kale komishanka xakamaynta Aids-ka ayaa tababar u qabtay culimada magaalada Berbera, kuwaas oo loo soo bandhigay doorka ay ka qaadan karaan wacyi gelin bulshada laga siiyo xanuunkan iyo inaan wax dhib ah loo gaysan dadka uu ku dhaco.


Agaasimaha fulinta komishanka Xakamaynta Aids-ka Naasir Ayjeex Jaamac oo ka hadlay tababarka culimada ayaa u soo jeediyey in khudbadaha masaajidada ay bulshada ugu soo bandhigaan dhibta uu leeyahay xanuunkani isla markaana ay uga digaan, waxaanu culimada ku adkeeyey inay bulshada faraan inaan la takoorin dadka uu xanuunkani ku dhaco.


Isuduwaha komishanka xakamaynta Aids-ka ee gobolka Saaxil Kayse Maxamed oo ka hadlay tababarka culimada ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ee ay culimada iskugu yeedheen ay ahayd inay qayb ka noqdaan in kor loo qaado wacyiga ay bulshadu ka haystaan xanuunkan, waxaanu sheegay in culimada loo soo jeediyey inay dadka ku dhiiri geliyaan inay is baadhaan isla markaana la socdaan xaaladooda caafimaad.

Loading...
Loading...