Messi Oo Hadiyado Qaali Ah Qaybinaya

0
Friday March 03, 2023 - 17:44:57 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 843
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Messi Oo Hadiyado Qaali Ah Qaybinaya

    "Waxaa sharaf ii ah inaan 35 Iphone 14 ka sameysan dahab uu ku wareejiyay Linel Messi"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaa sharaf ii ah inaan 35 Iphone 14 ka sameysan dahab uu ku wareejiyay Linel Messi"

 


Sawir ay shirkadda lagu soo daabcay bogga Instgram ka ee shirkadda IDesign Gold, oo ay is dhinac taagan yihiin Lionel Messi iyo madaxa shirkadaas Ben Lyons ayaa lagu hoos qoray: "Waxaa sharaf ii ah inaan 35 Iphone 14 ka sameysan dahab uu ku wareejiyay Linel Messi si uu hadiyad ahaan ugu siiyo kooxdiisa iyo shaqaalaha kooxda, maadaam ay ku guuleysteen koobkii dunida".

 

Magacyada iyo lambarada ay ka dheelaan ciyaartooyda Argentine ayaa lagu xardhay dhamaan taleefanada. Sidoo kale astaanta Ururka CIyaaraha ee Argentine (AFA) ayaa ku daabacan taleefanada.

 

Arimaha Argentine u horseeday guusha koobkii dunida

1.Messi oo ah halyeeygii habeenka taariikhiga ah ee ku guuleystay Koobka Adduunka. Waa nin ay xusuusan doonaan jiilasha soo socda ee reer Argentine.

 

Messi waa ciyaartoy isku darsaday maareyn caqli ku dhisan iyo xirfad heer sare ah marka loo barbardhigo ciyaartoy kasta oo haatan dunida ka ciyaara.

 

Waa 35 jir karti badan oo deggan isla markaana aan cadaadis dareemin, wuxuuna Argentina ku hoggaamiyay inay qaadaan Koobkan ay muddada dheer sugayeen.

 

Wuxuu dhaliyay 7 gool Koobkan, laba gool ayuu xaley dhaliyay halka saddex gool uu ka caawiyay xulkiisa inay dhaliyaan-waana rikoorkiisii ugu fiicnaa ee Koobka Adduunka.

 

Wuxuu noqday ciyaartyga ugu safashada badan Koobka Adduunka, isagoo kasoo muuqday 26 kulan.

 

2.Lionel Scaloni oo aan wax khibrad ah laheyn ayaa sanadkii 2018 loo magacaabay tababaraha xulka qaranka ee Argentina toddobaadyo uun kadib markii Faransiiska uu Argentina ka saaray Koobkii Adduunka ee lagu qabtay Ruushka.

 

Afar sano gudahood ayey ugu suurtogashay in uu guul gaarsiiyo xulka.

 

Tababare Scaloni wuxuu dhisay koox isku duuban oo uu Messi horkacayo, wuxuuna xulka kusoo daray ciyaartoy da’ yar ah oo ay ka muuqato dhiirannaan iyo tamar badan, kuwaas oo aan wax khibrad ah laheyn.

 

3.Garoonkii ay ka dhacday ciyaarta kama dambeysta ahayd waxaa intiisa badan fadhiyay taageerayaasha Argentina oo baddalay midabka garoonka.

 

Waxaa jirtay hees caan aheyd oo xulka lagu taageerayay, waxaana ka mid ahaa ereyadeeda, "Waxaan doonayaa in markii saddexaad aan ku guuleysto, waxaan doonayaa in aan ku guuleysto Koobka Adduunka”.

 

Xitaa qaar ka mid ah taageerayaasha reer Argentina waxay kasoo tageen shaqooyinkooda, qaarkoodna waxay Qadar ku tageen lacagihii ay in muddo ah meel dhiganayeen. Sidoo kale qaarkood waxaa la sheegay inay iska iibiyeen bajaaj ay ku shaqeysan jireen si ay usoo raacaan xulkooda.

 

BBC


Loading...
Loading...