Somaliland Oo Puntland Ku Eedaysay In Ay Weerar Qorsheynayso

0
Friday March 03, 2023 - 14:59:04 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1033
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Puntland Ku Eedaysay In Ay Weerar Qorsheynayso

    "falka gardarada ah ee aan cudur daarka lahayn"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"falka gardarada ah ee aan cudur daarka lahayn"



 

Xukuumadda Somaliland ayaa ka digtay weerar ku soo wajahan oo kaga imaanaya ciidamo ka tirsan maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, waxayna wacad ku martay inay iska difaaci doonto cid kasta oo kusoo gardarroota.

 

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga Somaliland ayaa lagu sheegay in ay heleen xogo sirdoon oo lagu kalsoon yahay oo muujinaya in xubno ka tirsan ciidamada Puntland ee loo yaqaan (PSF) iyo ciidamada badda Puntland ee PMPF ay qorsheynayaan in ay weeraraan ciidamadooda, dhowrka maalmood ee soo socda.

 

Somaliland ayaa sheegtay inay si dhab ah u qaadanayso hanjabaadahaasi, isla markaana ay qaadday tallaabo kasta oo ay ku ilaalinayso dadkeeda iyo deegaanadeeda.

 

Waxay sidoo kale ku boorisay beesha caalamka inay cambaareeyaan "falka gardarada ah ee aan cudur daarka lahayn" oo ay taageeraan xaqa ay u leeyihiin inay is-difaacaan.

 

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid sii kordhinaysa xiisadda labadii bilood ee la soo dhaafay ka taagneyd deegaano lagu muransan yahay oo ay labada dhinacba sheeganayaan Puntland iyo Somaliland.

 

War saxaafadeedka ayaa soo baxay saacado kadib markii maamulka deegaanka uu meesha ka saaray in maleeshiyo beeleedka dagaalka kula jira ciidamada Somaliland ay gurmad ka helaan ciidamada Puntland iyo kuwa dowladda Soomaaliya.


Loading...
Loading...