Laamiyo Caalamiya Oo La Helaa Waa Isku Xidhka Ganacsiga Goboladda Iyo Wadamadda

0
Saturday March 09, 2019 - 19:12:27 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1259
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laamiyo Caalamiya Oo La Helaa Waa Isku Xidhka Ganacsiga Goboladda Iyo Wadamadda

    Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Republic.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Republic.

Wadooyin Caalamiya Oo Tayadoodu Sarayso Waxaa Loo Baahan Yahay Dhaqaale Fara Badan Oo Lagu Qiyaaso Bilyanaad Dollar,

Tusaale Ahaan Wadanka Kenya Waxaa Laga Hirgeliyey International Highway Laami Caalamiya Oo Ay Tayadiisa, Mitirkiisa Iyo Buundooyinkiisa Aan La Musuq Maasuqin, Shirkadda Dhisaysana Waxaa Laga Dhigay Wadan China Ama Wadanka Jaynaha

Laamigaasina Waa Laamiga Isku Xidha Nayroobi ILaa Mombasa Oo Ay Isu Jiraan Masaafo Dhan 488 Km, Balse Waxaa Lagu Guulaystay 466 Km, Waxaana Ku Baxay $ 3800,000,000 Sadex Bilyan Iyo Sideed Boqol Oo Milyan Oo Dollar, Dhaqaalahaasi Wuxuu Isugu Jiraa Oo Uu Ku Baxayaa Dhul Baaxad Wayn Oo Buuro, Kaymo, Iyo Dooxyo Ka Hor Imanayaan, Oo La Banaynayo, Kharashkii Shaywalada Ama Cagafyada, Isku Rogooyinka, Soo Daabulida Jayga, Garaaidada, Looxaanta, Sibidhka Kuwaas Oo Loo Isticmaalo Buundooyinka Ama Biriishyada, Mushaharka Kuuliyada, Shaqaalaha Kala Duwan, Dareewaliinta , Ingineerada, Iyo Ciidamadda Ka Qayb Qaadanaya.

Halkii Km Wuxuu Noqonayaa $ 3500,000, Sadex Milyan Iyo Shan Boqol Oo Kun Oo Dollar, Laamiga Isku Xidha Nayroobi Iyo Mombassa Waa Laami Caalamiya Oo Aanay Kala Shixaadin Ama Aanay Musuqmaasuqin Shirkadda China Ama Wadanka Jayna Ee Qandaraaska La Siiyey, 466 Km*3500,000=

$ 1631,000,000, Hal Bilyan Lix Boqol Kow Iyo Sodon Milyan Oo Dollar, Kharashkaasi Wuxuu Ku Baxay 466 Km Oo Laamiya, Oo Aanay Ku Jirin Buuraha, Kaymaha, Dooxooyinka La Banaynayo, Buundooyinka Ama Biriishyada La Dhisayaana Kuma Jiraan, Kumana Jiraan Mushaharka Shaqaalaha, Engineerada, Ciidamadda Iyo Kharashka Macdaadka Ama Cagafyada Ama Gawaadhida Kale Ee Ka Qayb Qaadanaya Laamiga La Samaynayo.

Kharashka Kale Ee Ku Baxaya Buuraha, Kaymaha, Dooxooyinka La Banaynayo, Dhismaha Buundooyinka Ama Biriishyada, Shidaalka Macdaadka, Gawaadhida, Mushaharka Shaqaalaha, Ciidamadda Iyo Shirkadda Qandaraaska Qaadatay Dakhliga Dhaqaale Ee Ka Soo Gelaya Dhamaantood Waxay Isku Wada Noqonayaan $ 2169,000,000, Laba Bilyan, Boqol, Sagaal Iyo Lixdan Milyan Oo Dollar.

Wadada Isku Xidha Berbera Iyo Wajaale Ee Loo Bixiyey Berbera Corridor Dhaqaalaha Ay Inoo Sheegeen Wadanka Imaaraadka Carabta Ee Ku Baxaya Wadada Isku Xidha Wajaale Iyo Berbera $ 250,000,000 Laba Boqol Iyo Konton Milyan Waana 250 Km, Lacagtaasi Waa Lacag Aad Uga Yar 85% Dhaqaalaha Lagu Bixiyo Laamiyada Caalamiga Ah Heer Ahaan Ama (Standar) Ahaan,

Waa Dhaqaale Aad U Yar Oo Aan Lagu Dhisi Karin Wado Cusub Oo U Jirta Laamiga Hargaysa Iyo Berbera Mara Oo Labadda Laami Isu Jiri Karaan Ugu Yaraan 500 Mitir Ugu Badnaana 2 Km, Waddo Cusub Oo Buuro,

Kaymo Iyo Dooxooyin La Banaynayo Iyo Biriishyo Cusub Laguma Dhisi Karo Dhaqaalahan Yar Ee Wadanka Imaaraadka Carabtu Inooga Dhigayaan Bilyanaad Dollar Inay Bixiyeen, Lacagtan Yar Ee Ay Ugu Talo Galeen In Lagu Dhiso Laami Cusub Oo Aan Ahayn Laamigan Wajaale Iyo Berbera Isku Xidha Waa Waxaan Caqliga Gelayn,

Laamiga Isku Xidha Wajaale ILaa Berbera Wuxuu Laami Caalamiya Ku Noqon Karayaa Wadanka Imaaraadka Carabta Oo Bixiya

$ 875,000,000, Sideed Boqol Oo Milyan, Shan Iyo Todobaatan Milyan Oo Dollar,

Oo Halkii Km Noqonayo 1 Km= $ 3500,000

Sadex Milyan Iyo Shan Boqol Oo Milyan.

Dhaqaalaha Ay Bixiyeena Wuxuu Ku Filan Yahay Wadada Wajaale, Wadada Labadda Boqol ILaa Wadada Berbera Oo Laga Dhigo Laami Caalami Aan Casri Ahayn, Balse Qaab Dhismeedkiisu Aanu Xumayn, Oo Balaadhkiisu Isu Jiraan Ugu Yaraan 20 Mitir Oo Leh Biriishyo Casriga, Oo Halkii Haadba Ay Marayaan Gawaadhida 48 Ton, Laamiguna Waa Inuu La Nashqad Noqdo Ugu Dhowaan Laamiga Casriga Ah Ee Isku Xidha Wajaale Iyo Addis Ababa.

Waxaa Ayaan Daro Wayn Ah Rag Masuuliyiin Xisbi Sheeganaya Oo Aan Qiimayn Karayn Laami Cusub Oo Caalamiya Dhaqaale Intee Leeg Ayaa Gelaya, Ee Caqli Xumadoodu Ay Siisay Wadadii Hore Ama Laamigii Hore Ayey Inoo Rag Cayaan, Oo Laba Boqol Iyo Kontonka Milyan Inteeda Badan Waa La Musuq Maasuqayaa, Qolyahaas Waxaad Moodaa Inuu Xidhiidh Tuugonimo Ahi Ka Dhexeeyo Dawladaha Hoose Oo Lagu Yaqaano Inaanay Dhisin Wadooyin Dhaxalgala Balse Lagu Yaqaano Wadooyin La Ragco Oo Dhaqaale Badan Lagu Lunsado.

Wadanka Imaaraadka Carabta Isagaa Wata Shirkadda Wadada Dhisaysa, Oo Loo Dhiibi Maayo Shaqsi U Dhashay Somaliland Oo Inoo Sameeya Wado Tayadeedu Aad U Hoosayso Lix Bilood Ka Bacdina Ay Noqoto Wada Godad Miidhan, Ama Biriishyo Loo Diro Dad Dalooliya Si Qandaraas Aan Dhamaad Lahayn.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...