Muuse Biixi Oo Loo Soo Jeediyay Inuu Ku Dhiirada Qabashada Doorashada
Hargaysa (HWN) Xoghaye Maxamed
Sidiiq Dhamme oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa sheegay in
doorashada haatan taagani ay dawo utahay midnimada Shacabka Somaliland.
Xoghayaha ayaa sidaasi
ku sheegay qoraal uu baahiyay oo uqornaa sidan:-
"Somaliland Cirro
wuxuu u yahay dan weyn, waa Hoggaamiye degen, nin nabadeed, nin talo qaadan
kara oo faham weyn ka haysta Dawladnimada iyo Dumqraadiyadda, Doorashada hadda
taagani waxay dawo u tahay midnimada Umadda, Madaxweyne Muuse Biixi in uu ku
dhiirado qabashada Doorasho Madaxtooyo geesinimo weyn ayay u noqon doontaa
Taariikhda, weli rejo ayaa jirta haddii la garto !" ayuu yidhi xoghaye
Maxamed Sidiiq Dhamme oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani