Taliye Ku Xigeenka Socdaalka Oo Ururinaya Ciidan Loo Dirayo Dagaalka Laascaanood

0
Thursday March 02, 2023 - 22:41:31 in News by Abdi Good
  • Visits: 3989
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Taliye Ku Xigeenka Socdaalka Oo Ururinaya Ciidan Loo Dirayo Dagaalka Laascaanood

    Taliye Ku Xigeenka Socdaalka Oo Ururinaya Ciidan Loo Dirayo Dagaalka Laascaanood

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliye Ku Xigeenka Socdaalka Oo Ururinaya Ciidan Loo Dirayo Dagaalka Laascaanood
Taliye ku xigeenka ciidanka socdaalka Maxamed Cali Baadiye ayaa ku hawlan inuu soo xulo askar ka tirsan ciidankaas oo loo diro dagaalka Laascaanood.
May be an image of 1 person and standing


qaar ka mid ah ciidanka socdaalka ayaa ii xaqiijiyey in 60 askari hada lagu ururiyey iskuulka Haleeya halkaas oo laga qaadi doono halka koox kalana uu ururintooda ku hawlan yahay.

Taliye ku xigeenkan oo ay isku deegaan yihiin Muuse Biixi ayey saraakiil ka tirsan ciidanka socdaalku ii xaqiijiyeen inuu si gaara u eeganayo ciidanka aan ka soo jeedin beeshooda kuwaas oo uu doonayo in lagu shubo dagaalka Laascaanood.

Waxa lay xaqiijiyey inuu si gaara u soo xulay askartii aan deegaankiisa ahayn ee ka hawlgalaysay madaarka Hargeysa iyo xarunta wajaale kuwaas oo qayb ka ah ciidanka loo qaadayo Laascaanood.

Waxa xusid mudan in taliyihii ciidanka socdaalka uu safar caafimaad ugu maqan yahay dalka dibediisa.

Loading...
Loading...