Xildhibaan Faratoon & Maxamed Kaahin oo Dagaal Gacan ka haddal ahi dhex-maray + Sababta
Shir doceed xalay ka
dhacay Madaxtooyadda Somaliland oo uu Madaxweyne Biixi la yeeshay xubno ka
tirsan Golihiisii Wasiiradda iyo Xildhibaano,ayaa xoggo aanu ka helay illo
wareed-yo ay sheegeen in laggaga wadda hadlayey xaaladda dagaal ee Gobolka Sool
iyo Magaallooyinka Laascanood, Gambadha iyo Tukaraq oo ka baxday gacanta
Somaliland.
Xoggo uu Wargeyska
Waaberi ka helay shir doceedkaas uu Madaxweyne Biixi la yeeshay xalay xubnaha
wasiiradda ah iyo Xildhibaanada ayaa sheegay inay ka qayb-galleen Wasiirka
arrimaha guddaha Maxamed Kaahin, Wasiirka war-faafinta Saleebaan Humbani iyo
xubno kale iyo weliba Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland,kuwaas
oo uu kamid ahaa Xildhibaan Yaasiin Faratoon oo isaga laga soo doortay Gobolka
Sool,waxaanu kullanku uu ahaa mid u gaar ah dagaalka Laascanood, isla markaana
si gaar ah looggaga arrinsanayey xaaladdaha cakiran.
Sidoo kale illo
wareed-yadda aanu xogtan ka helnay ayaa sheegay in kullanka oo ahaa mid dood
addag lagga yeeshay xaaladda dagaal ee Gobolka Sool gaar ahaana Magaalada
Laascanood ay inta baddan dood kul-kul is dhaafsanayeen Wasiir Kaahin iyo
Xildhibaan Faratoon,kuwaas oo la xusay in intii uu kullanku socda ay isku
muuqdeen,hase-yeeshee ay markii dambe xaaladdu isku beddeshay dagaal gacan ka
haddal ah oo dhex-maray labada masuul,wallow ay Madaxweyne Biixi iyo xubninii
kale ee madasha fadhiyey ay kale qabteen,haddana xaaladdu waxay isku baddeshay
car iyo wir iyo dagaal afka ah, iyagoo is dhaafsanayeye labada oday haddalo
xanaf leh oo xaaladda uga sii daray,kuwaas oo keenay inuu cadho kaga baxo
shirka Xildhibaan Faratoon.