Maayarka Ceerigaabo Oo Ujawaabay Garaad Mukhtaar
Hargaysa (HWN) Maayarka
Ceerigaabo Ismaciil Xaaji Nuur Faarax ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeedhay
Garaad Mukhtaar oo kamid ah garaadada Beesha Dhulbahante ee fadhigoodu hada
yahay magaalada Laascanood.
Garaad Mukhtaar ayaa
sheegay in marka hawsha Laascaanood dhamaato ay ku xigto Ceerigaabo.
"Garaad Mukhtaar
Waxan leeyahay aan Kala xishoono oo Degaanadu yaaney iskaga kaa khaldamin Ceerigaabo meel lagu dagaalamo
maaha Waa Gurigii Awooweyaasha , Ninkii dagaal rabaa dhulkiisuu Qaban oo ka
dagaalami, halkan kama banana jaaniska aad raadineyso".Ayuu yidhi,
Ismaciil Xaaji Nuur Faarax, Maayarka Ceerigaabo.
Dagaalka Laascaanood
ayaa hada socda dhawr iyo labaatan cisho, kaasi oo sababay khasaare dhan walba
leh, welina lama hayo xal lagu joojiyo dagaalka ilaa hada Socda.