RW Xamse oo kulan la qaatay mas'uuliyiin ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka

0
Tuesday February 28, 2023 - 10:10:21 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 587
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RW Xamse oo kulan la qaatay mas'uuliyiin ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka

    Ra'iisul Wasaare Xamse iyo Danjire Yousef ayaa ka wada hadlay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaare Xamse iyo Danjire Yousef ayaa ka wada hadlay



Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay wafdi ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka oo uu hoggaaminayey Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Arrimaha Siyaasadda, Danjire Yousef Muhammad Aldobeay.


 

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Danjire Yousef ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta labada dhinac, gaar ahaan kaalinta ururku ka qaadanayo u gurmadka dadka ay abaaruhu saameeyeen iyo xasillinta deegaannada dhowaan laga saaray Cadowga, waxa uuna Ra’iisul Wasaaruhu bogaadiyey garab istaagga ay OIC u muujinayso shacabka Soomaaliyeed.



 

Dhankiisa, Yousef Muhammad Aldobea oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celiyey kulankan ayaa tilmaamay sida degdegga ah ee ay u soo ajiibeen baaqii dowladda Soomaaliya ee ku aaddanaa arrimaha bini’aadanimada iyo gurmadka deegaannada laga saaray Cadowga , kuwaas oo laga hirgelinayo mashaariic horumarineed oo soo kabaya nolasha dadka.

Loading...
Loading...