Dowladda Kenya Oo "Doonaysa In Dalalka Galbeed Ay Xayiraan" Raila Odinga
Dowladda Kenya ayaa
doonaysa in dalalka Galbeedka ay cadaadis saaraan hogaamiyaha mucaaradka, Raila
Odinga, oo ay ka mamnuucaan safarrada waddamadooda, sida ay ku tebiyeen qaar
kamid ah warbaahinta.
Maamulka Ruto ayaa ku
eedeeyay Raila Odinga inuu ku hawlan yahay falal dhibaato ku ah dalka Kenya,
isla markaana loo baahan yahay in la xakameeyo.
Raila ayaa ku baaqay
dibedbaxyo ballaaran oo ka dhan ah dowladda uu hoggaamiyo Ruto, taasoo uu u
arko mid si sharci darro ah kula wareegtay xukunka.
Dowladda Kenya ayaa
lagu eedeeyay in ay qaaday tallaabooyin lagu sumcad dilayo hogaamiyaha
mucaaradka, oo mar ahaa ra’iisal wasaaraha dalka.
Todobaadkii hore, Raila
ayaa laga qaaday xilka wakiilka horumarinta kaabayaasha oo uu Midowga Afrika ka
hayay tan iyo October 2018.
Qaar kamid ah
taageerayaashiisa ayaa u arka tallabadaas mid uu ku lug lahaa Madaxweyne
William Ruto oo ay Raila si adag ugu loolameen doorashadii dhacday August 2022.
Qaar kamid
xildhibaannada xisbiga talada haya ayaa wargeyska Daily Nation u sheegay in
dowladda ay damacsan tahay tallaabooyin dheeraad ah oo cadaadis lagu saarayo
Raila.
Madaxweyne Ruto ayaa
ilaa haatan qaaday tallaabooyin uu ku cadaadinayo hogaamiyaha mucaaradka,
waxaana kamid ah inuu soo dhaweysto siyaasiyiinta taabacsan iyo inuu xilal
muhiim ah u magacaabo dadka dhaliilsan Raila ee ka soo jeeda gobollada uu
taageerado ka haysto.
Falcelinta Raila
Raila Odinga oo maanta
la hadlayay taageerayaal isugu soo baxay magaalada Kitale ayaa sheegay in aanu
walwal ka qabin qorshayayaasha ay la damacsan tahay xukuumadda Ruto.
Waxa uu tilmaamay in
tallaabada la sheegay in xukuumadda ay doonayso in looga joojiyo safarrada
waddamada Galbeedka ay tahay mid fulaynimo ah.
"Waan ixtiraam u haynaa
waddamada aan saaxiibka nahay. Waxaa naga dhexeeya xiriir wanaagsan, hase
yeeshee waa in ay ogaadaan in arrimaha gudaha ee dalkeena aan inagu uun
go’aankooda leenahay,” ayuu yiri Raila.
Waxa uu intaa raaciyay
in aanu joojin doonin hawlaha uu wado ilaa inta laga saxayo khaladkii dhacay,
oo uu ula jeedo in la shaaciyo inuu ku guulaystay doorashadii August 2022.
Natiijadii la shaaciyay
xilligaas ayaa Ruto waxa uu Raila kaga adkaaday codad ka yar 240,000.
Raila oo markii shanaad
looga adkaaday doorasho uu u tartamay ayaa haatan da’diisu tahay 78 jir.
Dibedbaxyo iyo
curyaamin uu kula kacay dowladdii uu hogaaminayay Uhuru Kenyatta, kadib
doorashadii dhacday 2017, ayaa waxa bishii March 2018 uu heshiis dhexmaray
labada nin, taasoo horseeday xasillooni siyaasadeed.
Ruto ayaa horay u
sheegay in aanu diyaar u ahayn inuu Raila la galo heshiis siyaasadeed oo la mid
ah kii 2018, isla markaana uu xoogga saarayo hagaajinta dhaqaalaha Kenya.
Siyaasiyiinta
Afrikaanka ah ayaa intooda badan hanti ku leh dalalka Glabeedka, halka qaar
kalena ay daryeel caafimaad u doontaan, waana sababaha aanay uga maarmi karin
safarrada dibedda.
BBC