Wasiirka arrimaha debedda Masar oo 10 sano ka dib booqday Syria

0
Tuesday February 28, 2023 - 07:33:45 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 425
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka arrimaha debedda Masar oo 10 sano ka dib booqday Syria

    "Masar ayaa ugu deeqday shacabka Syria ee waxyeelladu ka soo gaadhay dhulgariirka, illaa 1,500 oo ton"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Masar ayaa ugu deeqday shacabka Syria ee waxyeelladu ka soo gaadhay dhulgariirka, illaa 1,500 oo ton"



Wasiirka arrimaha debedda ee dalka Masar ayaa la kulmay madaxweynaha Syria Bashaar al-Asad iyo wasiirka arrimaha debedda ee Turkiga, ka dib markii uu booqasho ku tegey Syria iyo Turkiga, taasoo noqonaysa booqashadii ugu horraysay ee diblomaasi sare oo dalkaas ahi uu ku tago muddo toban sano ah.

 

Bashaar al-Asad ayaa fursad taageero ah ka helay dalalka Carabta, tan iyo markii uu dhulgariirku ka dhacay dalkiisa Syria iyo dalka Turkiga bishan, taasoo gacan ka geysatay inuu yaraado go'doonkii diblomaasiyadeed ee dalka Syria lagu soo rogay, ka dib markii ay dagaalada sokeeye ka qarxeen dalkaas sannadkii 2011.

 

Wasiirka arrimaha debedda ee Masar ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ee safarkani inay tahay, hawlaha bini'aadanimada iyo in garab istaag loo muujiyo shacabka Syria.

 

Wasiirka arrimaha debedda ee Masar ayaa u sheegay telefiishan laga leeyahay dalka Masar, in sidoo kale uu safarkani bidhaaminayo, rabitaanka in dib loo hagaajiyo xidhiidhka labada dal.

 

Masar ayaa ugu deeqday shacabka Syria ee waxyeelladu ka soo gaadhay dhulgariirka, illaa 1,500 oo ton oo gargaar ah, taas oo ay si buuxda uga wada shaqaynayaan xukuumadda Syria.

 

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa hakiyey xubinimadii Syria, sannadkii 2011 ka dib markii ay xukuumadda dalkaasi gacan adag kala hortagtay debedbaxayaashii, sidoo kale dalalka Carabta ee gacan saarka la leh Maraykanka ayaa iyaguna taageeray mucaaradka dalkaas.

 

VOA

 

 


Loading...
Loading...