"Somaliland Kulmiye inay Eeday cidii uu hore shaki ugaga jiray maantaba ha aragto" UCID

0
Monday February 27, 2023 - 19:39:52 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1399
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Somaliland Kulmiye inay Eeday cidii uu hore shaki ugaga jiray maantaba ha aragto" UCID

    "Waana mid reer Somaliland maanta yar iyo wayn qof iska inoo muuqata Xaalka ay marayso Xukuumadan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waana mid reer Somaliland maanta yar iyo wayn qof iska inoo muuqata Xaalka ay marayso Xukuumadan"


 

 

Hargaysa (HWN) Xog-haye Yuusuf Kayse oo katirsan Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID  ayaa sheegay in xukuumada Kulmiye isku yeelyeelayso Shacabka.

 

Yuusuf Kayse ayaa intaasi ku daray in xukuumada Kulmiye aanay ku shaqaynayn sharciga dalka.

 

"Is-Yeel-Yeelka Nimanka Xilka inoo Haya ee ka tirsan Xukuumadda Somaliland

Wasiir Saleebaan Cali Koore Waxaa uu Yidhi Maanta isaga oo waliba cod dheer ku dhawaaqaya Xisbiga Qaranka ee Waddani

Yaab badnaa !!!

 

Ninkan wasiirka ee hada sida leh waa Saleebaan Cali Koore hii Billo Ka hor-na isla isagu uun ina Lahaa Ururka Waddani !!!

 

Waxay Cadayn iyo Tusaale Nool u tahay Isyeel yeelka iyo laba wajiilaynta Xukuumadda Xisbiga Kulmiye ee maanta ina hor joogta ee La Kuftay Hogaamintii Masiirka  Ummadda JSL Somaliland ee hadana aan waxba kala xishoon ee waxay maalinba la noqoto ama dantooda u arkaan raga Xukuumadda ka tirsani inay ina la soo hor joogsanayaan uun.

 

Waana mid reer Somaliland maanta yar iyo wayn qof iska inoo muuqata Xaalka ay marayso Xukuumadan Talada Xun ee Sharci iyo Dastuur Midna Ku Shaqaynayn Maalinta ay Dan kaa Leedahayna Magacaaga Saxda Iyo Sharci-nimadaada Kuugu Yeedhayso Maalinta Danteeda ay Kaa Arki waydana Indho-isku qabasho,Masabid  iyo Sharci-daro kula dhaqmayso.

 

Somaliland Xisbiga  Kulmiye inay Eeday cidii uu hore shaki ugaga jiray maantaba ha aragto Aataar Xumadeeda." Ayuu yidhi Xog-haye Yuusuf Kayse



Loading...
Loading...