Baarlamaanka Wadamada Carabta Oo Ka Hadlay Khilaafka Kenya Iyo Soomaaliya, Soona Bandhigay Wadanka Uu Taageerada U Hayo

0
Thursday June 20, 2019 - 17:12:09 in News by
  • Visits: 1971
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Wadamada Carabta Oo Ka Hadlay Khilaafka Kenya Iyo Soomaaliya, Soona Bandhigay Wadanka Uu Taageerada U Hayo

    Baarlamaanka Wadamada Carabta Oo Ka Hadlay Khilaafka Kenya Iyo Soomaaliya, Soona Bandhigay Wadanka Uu Taageerada U Hayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baarlamaanka Wadamada Carabta Oo Ka Hadlay Khilaafka Kenya Iyo Soomaaliya, Soona Bandhigay Wadanka Uu Taageerada U Hayo


Muqdisho(HWN):-Bayaan ka soo baxay kulan ay lahaayeen baarlamaanka wadamada carabta oo ka qabsoomay magaalada Qaahira ee wadanka Masar ayaa ka war ka soo saaray khilaafka u dhaxeeya wadamada soomaaliya iyo Kenya.




Bayaanka ka soo baxay fadhiga afaraad ee baarlamaanka wadamada carabta ayaa si adag uga horyimid dooda ay Kenya ku sheeganayso inay leedahay bada ay ku muransan yihiin wadanka Soomaaliya, iyaga oo ka horyimid fara gelin lagu sameeyo arimaha gudaha mabaadiida daris wanaaga iyo heshiisyada caalamiga ah ee ay hadyo jeer wadamadu galaan.


Sidoo kale wuxuu Baarlamaanka Carbeed ka hor yimid Fara gelinta arrimaha Soomaaliya iyo in lagu xad gudbo arrimaha gudaha ee Dalkeeda,mabaadii’da deris wanaagga iyo heshiisyada caalamiga ah.


Sidoo kale baarlamaanka ayaa wadamada carabta ugu baaqay inay taageeraan wadanka soomaaliya isla markaana gacan ka siiyaan dedaalada dhinaca amniga.

Warka ka soo baxay baarlamaanka wadamada Yurub ayaa lagu yidhi:-


Baarlamaanka Carbeed waxa uu taageerayaa Jamhuuriyadda Soomaaliya si loo dhowro midnimadeeda, nabadgelyadeeda, deganaanshaheeda, bedqabka dhulkeeda, xorriyaddeeda, milgaheeda, Beri, Bad iyo Cir , waxa uu ugu baaqayaa Kenya in ay faraha kala baxdo Biyo Goboleedka Jamhuuriyadda Soomaaliya, oo ah qeyb aan ka go’ayn biyaha Carbeed oo lama taabtaan ah, waxa uu ku gacan seyrayaa sheegashada beenta ah ee ah calaamadeyn cusub oo raad lahayn, xaqiiqdana ka fog, sidoo kale waxa uu ganafka ku dhufanayaa hanjabaadda faragelin ee Kenya ee arrimaha gudaha Soomaaliya iyo ku tumashadeeda mabaa’diida deris wanaagga iyo heshiisyada caalamiga.

Baarlamaanka Carbeed waxa uu ugu baaqayaa wadamada Carbeed ee xushmadda mudan in ay garab istaagaan Jamhuuriyadda Soomaaliya oo tallaabooyin wanaagsan u qaadaysa dhinacyada ammaanka, deganaanshaha iyo ka takhalusidda argagaxisada iyo waxyaabaha ka hor’imaanaya xuquuqul insaanka.

 

 

Loading...
Loading...