JOOJI W/Q Siciid Xagaa.

0
Thursday June 20, 2019 - 16:45:25 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1465
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    JOOJI W/Q Siciid Xagaa.

    Jooji in aad ka cararto dhibaatada ku heysata:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jooji in aad ka cararto dhibaatada ku heysata:

Waayo ma jiro qof iska indhotiray dhibaato heysata haddana ka gudbay. Wajah oo la tacaal maxaa yeelay aadane ayaad tahay dhibna waad u sameysan tahay in aad la kulanto.


Jooji in aad naftaada been u sheegto: Dadka adduunka ku nool oo dhan been waad u sheegi karma laakiin maya uma sheegi kartid naftaada, nolosha qofka waxey horumartaa kaliya marka fursadda uu ka faa,ideysto



Jooji in wixii muhiimka kuu ahaa aad gadaal mariso misana aad is ilowdo: Ma jiro xanuun ka xanuun badan in aad naftaada qasaariso adigoo qof jaceyl xad dhaaf ah u qaada islamarkaana ilaawa in aad tahay qof gaar ah tahay (special) haa waa sax caawa dadka laakiin adna taada ha ilaawin.


Jooji in aad qof kale iska dhigto: Haddiiba ay caqabadi jirto ku saabsan nolosha waa adiga oo qof kale iska yeel yeela sidiisa.


Qof wuu kaa fiicnaan karaa, qof wuu kaa caqli badnaan karaa, qof wuu kaa yaraan karaa laakiin marnaba adiga kuma noqonayaan. midda kale haddii qof kale aad iska dhigto yaad taadii uga tagtay o qaadanaya?


Jooji wax la soo dhaafay in aad kor u Heyse weligaa. ogsoonow uma gudbi kartid qeyb kale haddii maskaxdaada ay akhriso wixii shalay la soo dhaafay uun waayo waxaa meesha ka baxaya waxa soo socda.


La soco Q/2aad.

Siciid Xagaa

Injineerka Dabiiciga ah

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...