Muuse Biixi Oo La Sheegay In Uu Ka Shaqaynayo Midaynta Somaliya
Hargaysa (HWN) Xildhibaan
Guled Bihi Abdi oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Somaliland
ayaa sheegay in Muuse Biixi ku hawlanyahay midnimada Somaliya.
Xildhibaanka oo
baahiyay qoraal uu kaga hadlayo qaabka Muuse Biixi midaynta Somaliya uga
shaqaynayo ayuu udhigay sidan:-
"Qaddiyadda
midnimada Soomaaliya iyo in dalku dib u midoobo wakhtigan cid Muuse Biixi uga
tacab badan ma jirto. Waa ninka laba wiig oo kaliya meelo badanoo Somaliland ka
mida calanka buluuga ah ka taagay! Dhamaystirka inta hadhayna taladeeda iyo
raadkeedaba ku jooga. Mideeye." Ayuu ku yidhi xildhibaanku qoraalkiisa.
Dhawan ayay ahayd
markii calanka Buluuga ah ee Somaliya shacab cadhaysana ay ka taageen deegaanada
Ceel Afweyn iyo sidoo kale deegano ka tirsan Gobolka Sool.