Dhibaatada Soomaalidu Ay Ku Qabaan Dal-Ku-Galka Kenya
Ka hadlidda dhibta ka
taagan qaadashada dal-ku-galka Kenya ayaa soo cusboonaatay kadib markii warqad
dowladda Soomaaliya ay ku tilmaantay been-abuur lagu faafiyay baraha bulshada.
Warqad ay soo saartay
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo warqadda been-abuurk ah daba
socotay ayaa lagu xusay in dowladda Soomaaliya ay ka filanayso dowladda Kenya
in ay muwaadiniinta Soomaaliyeed fiisaha ku siin doonto sidii heshiisku ahaa.
Heshiiska laga filayo
in ay Kenya kasoo baxdo wuxuu dhacay kulan bishii todobaad ee sanadkii hore ay
labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ku yeesheen aqalka madaxtooyada ee
Kenya. Heshiiskaas waxaa Soomaaliya loogu ballan qaaday sahal u helidda fiisaha
dal-ku-galka Kenya, hase ahaatee, weli muwaadiniin badan oo Soomaali ah ayaa
cabasho isa soo taraysay ka muujiyay helitaanka dal-ku-galka Kenya.
Cabashada shacabka Soomaaliyeed
Shirkadaha soosaara
fiisooyinka, jarana tikidhada diyaaradaha ayaa ka mid ah dadka cabanaya.
Maxamed Cabdullaahi
Maxamed oo leh ganacsi Soomaalida usoo saari jiray dal-ku-galyada Kenya wuxuu
BBC-da u sheegay in uu dareemay isbedel weyn oo ku yimid helista fiisaha Kenya.
"Waxaan dareennay bishii sagaalaad illaa iyo hadda. Culays waxaa jira
dhanka fiisaha Kenya ah" ayuu yiri.
Maxamed wuxuu sheegay
in mudaddii fiisaha lagu heli jiray ay korortay, " awal waxaa lagu heli
jiray sadex illaa shan maalmood, hadda illaa bil iyo toban beri ayaa lagu
helaa" ayuu yiri.
Taas waxaa sii dheer,
ayuu yiri, in qarashkii lagu heli jiray uu sarakac laba jibaar ah ku yimid,
"markii hore waxay ahayd 250 Doolarka Maraykanka ah, hadeer waxaa lagu
helaa 450 illaa 500 oo doolarka Maraykanka ah" ayuu Maxamed sheegay isagoo
xusay in sidaas ooy tahay aanan la hubin in fiisada la helayaba.
Maadaama Soomaaliya
aysan ku ool safaarado caalami ah, amni xumada jirta awgeed, Soomaalidu waxay
adeega fiisaha ka doonataa dalalka deriska Soomaaliya la ah sida Kenya. Dadka
Kenya taga waxay isugu jiraan dad baahiyo kala duwan qaba. Tiro aad u badan oo
dadkaas ah waxay dibadda u doontaan adeegyo caafimaad taas oo ku qasabta in ay
Kenya marka hore tagaan si ay safaaradaha wadamada ay ku jeedaan fiisa uga
raadsadaan.
Dad waxaa jira baahiya
kala duwan qabay oo markii ay ku adkaatay in ay fiisaha Kenya helaan iska
dhaafay iyada dhan. Dadka ay fiisadu kasoo daahday, dabadeedna isakaba dhaafay
waxaa ka mid ah Cabdinuur Axmed Maxamed oo caafimaad u socday. Wuxuu sheegay in
uu siduu u raadinayay fiisaha uu ka quustay, "mudo laba bilood ah waan
sugaayay...aad ay u daahday, waxaan ka badashay taraafal agensigii ee wax ii
dalbaayay, hadana mid kalaan u wareegsaday, adiga akhiirankii waan waayay"
ayuu yiri.
Qarash ka baxay iyo
iska-daba-wareeg dheer kadib, Cabdinuur wuxuu sheegay in uu go'aansaday in uu
iskaba dhaafay Kenya aadisteeda.
Baahida caafimaad waxaa
soo raaca baahiyo kale oo ku qasbaya muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay Kenya
tagaan. Cabdiweli Axmed Xuseen wuxuu ka mid yahay arday ka baxday Jaamacadda
Ummadda Soomaaliyeed oo deeq waxbarasho ka heshay dalka Talyaaniga.
Cabdiweli iyo ardaydii
la socotay waxay ku qasbanaayeen in ay safaaradda Talyaaniga ee Kenya tagaan
halkaas oo xogtooda waxbarasho ay tiilay, fiisana laga siin lahaa. Hasayeeshee,
Cabdiweli wuxuu BBC-da u sheegay in ay taas adkaatay "markii aan tagnay
goobaha taraafal agensiga ee xareeya fiisayaasha wadanka keenya, waa ay noo
suurtageli weysay in aan fiisihii helno, weliba waqti dheer ayay nagu
qaadatay" ayuu yiri.
Isagoo ka hadlaya
quustu inta ay gaarsiisnayd Cabduweli wuxuu yiri "qaar ka mid ah taraafal
agensiyada waxay si cad noogu sheegeen in aysan soo saari kerin fiisaha".
Wuxuu intaas ku daray in haddii la isku dayo, loo sheegay, in mudo bil ka badan
ay qaadanayso soo bixista fiisaha.
Waqtiga ayaa ardayda
cariiri ku ahaa maadaama jaamacadaha ay u socdeen laga rabay in ay mudo kooban
gudaheed iska diiwaangeliyaan. Cabdiweli wuxuu sheegay in laga rabay in bisha
Oktoobar Kenya ay joogaan si ay fiisaha waxbarashada, oo ku ekaa billawga bisha
Nofeembar, ay u qaataan.
Mar BBC-du ay weydiisay
in haddii ay bisha loo qabtay sugi lahaayeen ay heli lahaayeen wuxuu yiri
"halka bilba maysan jirin damaanad qaad sax ah, ...marka waan ku
kalsoonaan weynay".
Ardaydu maadaama waqti
uu ku socday, oo sanadkaan haddii ay tegi waayaan sanad kale ay dib-u-dhici
lahaayeen, waxay ku qasbanaadeen in ay jid kale helaan. Cabwdiweli oo ka
sheekeynaya arintaan wuxuu yiri "markii dambe waxay dani nagu qasabtay in
aan tagno safaaradda Talyaaniga waax yar ooy ku leedahay magaalada Muqdisho,
aana u sheegno in aanan heli karin fiisaha dalka Talyaaniga, waqtiguna uu na
hayo, sidaas ayay cudurdaar noogu sameeyeen safaaradda Muqdisho ee Talyaaniga,
iyaga ayaana qaaday baasabooradeennii, geeyayna Nayroobi. Sidaasna fiisihii,
waxaan ku helnay, waxbarasho ee Talyaaniga, waana ka kaaftoonnay in aan aadno
Kenya".
Heshiiska iyo xiriirka
soo laabtay
Dhowrkii sano ee lasoo
dhaafay xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ma uusan wanaagsanayn. Hase ahaatee,
doorashadii Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud kadib waxaa soo muuqatay rajo ah
in xiriirku soo wanaagsanaanayo.
In ka yar laba bilood
markii uu Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud talada kusoo laabtay ayuu casuumad
rasmi ah, oo soconaysay laba maalmood, ka helay madaxweynihii hore ee Kenya
Uhuru Kenyatta.
Qodobadii kasoo baxay
heshiis ay kulankaas gaareen waxaa ka mid ahaa: in Soomaaliya ay ogolaato in ay
dib u billawdo keenista qaadka, iyadoo heshiiska lagu xusay in qodobkaan uu ku
hirgelayo sida ugu dhaqsaha badan.
Kenya dhankeeda waxay
ogolaatay in dadka haysta baasaboorada caadiga ah ee Soomaaliga la siin doono
fiisaha dal-ku-galka sida ugu dhaqsaha badan, iyagoo ballanqaaday in waqtiga
lagu helayo fiisaha uusan ka badnaan doonin toban maalmood gudahood.
Heshiiska waxaa lagu
sheegay in labada wasaaradood, ee arima dibadeed, ee labada dal, ay mudo laba
usbuuc gudahood ah ku xaqiijin doonaan dhaqangalka heshiiskaan.
Hirgalka heshiiska
Arinka ugu weyn ee
Soomaaliya laga doonayay oo ahaa in ay dib u billawdo keenista qaadka markiiba
waa hirgalay. Wasiirkii hore ee beeraha ee Kenya, Peter Munya ayaa xaqiijiyay
in diyaarad sidda qaad ay Xamar ka degtay hal isbuuc kaliya kadib heshiiskii
labada dal.
Hase ahaatee, arinta
Soomaalidu ay ugu baahida badnayd ee helista dal-ku-galyada Kenya ayaan weli
hirgelin.
Dowladda Soomaaliya oon
arintaan wax ka weydiinay ayaysan noo suurogelin in aan jawaab ka helno.
BBC