Ex. Wasiir Maxamed Xaashi Cilmi Oo Ka Hadlay Dagaalka Laascanood.

0
Friday February 24, 2023 - 17:03:20 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3535
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ex. Wasiir Maxamed Xaashi Cilmi Oo Ka Hadlay Dagaalka Laascanood.

    "Waa In loo gurmado dadka ay waxyeeladu ka soo gaadhay dagaaladaasi"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waa In loo gurmado dadka ay waxyeeladu ka soo gaadhay dagaaladaasi"



 

Hargaysa (HWN) Ex. Wasiir Maxamed Xaashi Cilmi ayaa usoo jeediyay Xukuumada Somaliland iyo Garaadada Dhulbahante in si degdeg ah loojoojiyo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood.

 

Maxamed Xaashi ayaa qoraal baaq ah oo uu baahiyay uqoray sidan:-

 

LAASCAANOOD: BAAQ NABADEED ...MAXAMED XAASHI CILMI

February 24, 2023

Anigoo aad uga xun Colaadda iyo Dagaalka ka taagagan magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood, waxa aan ugu baaqayaa Dowladda Soomaaliland iyo Odayaasha Dhaqanka ee Sool, in si degdeg ah loo joojiyo dagaallada iyo colaaddaasi deegaanka Laascaanod, islamarkaana si dhakhsi ah ay dhinacyadu u billaabaan wadahadal NABADEED.

 

Maxamed Xaashi Cilmi

Waa in loo tudhaa shacabka iyo maatida, lana joojiyaa dhiigga Muslimka ee qubanaya, burburka hantiyeed iyo barkaca shacabka.

Waxa aan aad u xoojinaya in Dowladda Soomaaliland, Odayaasha Dhaqanka, Ganacsatada iyo dhammaan wax garadku ay xil iska saaraan una istaagaan in wadahadal iyo nabad, xal waara lagu raadiyo, In Shaa Allah.

 

Waa In loo gurmado dadka ay waxyeeladu ka soo gaadhay dagaaladaasi.

Waxaan rajaynayaa in nabadda iyo wada hadalka la xoojiyo, dagaalka iyo colaaddana si degdeg ah loo joojiyo.

Waxan idin xusuusinayaa inaynu ku jirno bilihii xurmadda lahaa.

 

Wa Bilaah Towfiiq.

Maxamed Xaashi Cilmi

Asaasayaashii Soomaaliland

Hargeysa, Soomaaliland.


Loading...
Loading...