Tirada Dhimashada Dagaalka Laascanood Oo La Shaaciyay
Ugu yaraan 96 qof ayaa
ku dhintay in ka badan laba toddobaad oo iska hor-imaadyo u dhexeeyay ciidamada
Somaliland iyo kuwa deegaanka magaalada Laascaanood, sida uu sheegay agaasimaha
Isbitaalka Laascaanood.
"Waxaan haynaa 96
dhimasho ah iyo 560 dhaawac ah,” ayuu Axmed Maxamed Xasan, oo ah maamulaha
Isbitaalka weyn ee magaalada Laascaanood khadka telefoonka ugu sheegay
wakaaladda wararka ee AFP.
Garaad Jaamac Garaad
Cali, oo ah hoggaamiye beeleed caan ah, ayaa Arbacadii sheegay in 150 qof la
dilay, 500 oo kalena lagu dhaawacay dagaalka Laascaanood.
Si kastaba ha ahaatee,
bilihii ugu dambeeyay waxaa cirka isku shareeray xiisado siyaasadeed oo sababay
rabshado ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac.
Qaramada Midoobay ayaa
sheegtay in in ka badan 185,000 oo qof ay ku barakaceen rabshadahan.
Haweenka iyo carruurta
ayaa lagu qiyaasay 89 boqolkiiba dadka barakacayaasha ah, sida lagu sheegay
bayaan ka soo baxay xafiiska isku xirka arrimaha bini'aadantinimada ee Qaramada
Midoobay (OCHA).
VOA