War Degdeg ah: Xildhibaan Barkhad Oo Iska Casilay Xilkii Uu Kahayay Xisbiga Waddani

0
Friday February 24, 2023 - 10:48:48 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 5259
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Degdeg ah: Xildhibaan Barkhad Oo Iska Casilay Xilkii Uu Kahayay Xisbiga Waddani

    "Waxa aan hadda u gacan bixi doonaa shaqooyinka balladhan ee baarlamaanka yaala"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxa aan hadda u gacan bixi doonaa shaqooyinka balladhan ee baarlamaanka yaala"

 



Hargaysa  (HWN) Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo hayay xilka afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa sheegay in uu iska casilay xilkaasi, isla markaana uu doonayo in uu ugacan banaanaado shaqada golaha iyo samafalka.

 

Xildhibaanka ayaa qoraal uu ku sheegayo iscasilaadiisa uqoray sidan:-

 

 

Xil-ka tegis

Muddo ku siman 5-sanno oo aan hayey xilka af-hayeenka Xisbiga ballaadhan ee WADDANI waxa maanta la soo gaadhay xiligii aan jagadaa wareejin lahaa. Waxa ay ahaayeen 5-sanno oo halgan, himilo, horumar iyo hawl badnaa oo aan qof ahaan iyo xisbi ahaan ba meelo adag ka soo baxnay. Wakhti Dadaal, doodo waaweyn, daacadnimo, dareen wanaagsan iyo u hadalka danyarta oo dagaal badan ku wajahay ayuu ahaa.

 

Mahad oo dhan Alle ayaa leh waxaans'e abaal iyo ogaal u hayaa cid walba oo shaqadaa adag igu barbar taagnayd muddadii aan mansabkaa hayey: uguna horreeyo Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga, hoggaanka xisbiga, fullinta, garabadda haweenka, dhallinyaradda, laamaha dibadda, taageerayaasha xisbiga, saxaafadda Somaliiland iyo guud ahaan shacabka sharafta badan ee Somaliland.

 

Waxa aan hadda  u gacan bixi doonaa shaqooyinka balladhan ee baarlamaanka yaala iyo arrimaha samafalka bulshadda  Somaliland Insha Allah. waxa aan rejo fiican ka qaba in hoggaanka sarre ee Xisbigu iga aqbali-doonaan xil ka tegistayda qof hannan kara jagadaasna u magacaabi doonaan.

Allaa Mahad Leh

Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun.


Loading...
Loading...