"Dagaalka Laascanood Mawada Saamayn Doono Dhulbahante" Xildh. Indho indho.
Hargaysa (HWN)
Xildhibaan indho indho oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa ka hadlay
dagaalka ka socda magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laascanood.
Waxaanu xildhibaanku
sheegay in aanu dagaalka Laascaanood wada saamayn doonin beesha Dhulbahante.
"Dagaalka SOOL Dhexdiisa laga bilaabay ma wada saamayn
doono DHULBAHANTE ee waa dagaal ku dambeyn doona inta xagga Somaliland soo
xigta, sidii shalay ba dhacday xiligii Siyaad Barre, haddaba waxaan ugu baaqaya
inta dagaalka la galinayo inay nabadda qaataan inta diidani waa kuwa aan dagaal
hore arag” Xildhibaan Indho Indho.
Dagaalka Laascanood ayaa
saamayn ku yeeshey shacabkii dagenaa magaalada, kuwaasi oo uqaxay meelo
kabaxsan magaalada oo ay nabadgeliyo bideen.