Xisbiyada Mucaaradka Somaliland Oo Kulan Hargaysa Kula Qaatay Wafdi Maraykana

0
Thursday February 23, 2023 - 19:26:32 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2092
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiyada Mucaaradka Somaliland Oo Kulan Hargaysa Kula Qaatay Wafdi Maraykana

    "Sidoo kale masuuliyiintan ka socday safaarada Maraykanku ku leeyahay Somaliya"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sidoo kale masuuliyiintan ka socday safaarada Maraykanku ku leeyahay Somaliya"



Hargaysa (HWN) Hogaanka Xisbiyada Mucaaradka  Somaliland  Waddani iyo Ucid ayaa maanta kulan la qaatay Safiir ku xigeenka Safiirka ufadhiya Maraykanka Somaliya Amb. Tim Trenkle oo magaalada Hargeysa safar hawleed ku jooga

 

Kulankan ayay hogaanka xisbiyada mucaaradka Somaliland iyo safiir kuxigeenku kaga wada hadleen arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin xal u helidda xaaladda Laascaanood iyo sidii loo dardar gelin lahaa arrimaha doorashada Madaxtooyada si isbedel hoggaamineed dalka uga dhaco.

 

Sidoo kale masuuliyiintan ka socday safaarada Maraykanku ku leeyahay Somaliya ayaa kulan la qaatay masuuliyiin ka socda xukuumada Somaliland oo uu hogaaminayo Muuse Biixi Cabdi.

 

Xogaha ay kulan ka heshay shabakada Hadhwanaagnews ayaa sheegaya in masuuliyiintani ay Muuse Biixi sicad ugu sheegeen in uu joojiyo dagaalka uu ka wado magaalada Laascaanood, kaasi oo socday saddexdii todobaad ee ugu dambeeyay.

 


Loading...
Loading...