Xadiga Lacag Lagu Soo Rogay Maraakiibta Ku Soo Xidha Dekada Berbera + Markab Maalintii Labaad Ku Xaniban Berbera.
Shirkada Markabka leh
ee MSC oo kamida shirkadaha sida joogtada ah ugu xidhan Dekeda Berbera keenana
badecadaha iyo gaadiidka lagu soo Rido Koonteenarada ayaa ganafka ku dhuftay bixinta Lacagtan oo ay ku
tilmaameen mid aan sharci ahayn iyagoo xusay in lacagtan aan lagu qaadin
dekadaha waawyn ee calamka, markabkan ayan mudo labo casho ah iminka ku
xayiran dekada berbera sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen masuuliyiinta shiradhah koonteerada qarkood, Sidoo kalena waxa xusid mudan in lacagtan lagu shubayo akoon namber
xisaabtiisu ka furan tahay dalka jabuuti.
waxaa is waydiin leh shirakadan qaadaysa lacagta ma waxaa laga leeyahay dalka jabuuti waayo lacagtu ku dhici mayso akoon xisaabeed ka furan bangiyada ku yaala somaliland, mida kale shaqada ay qabanysa waa sugid amni sida laajigeed sax ma noqonayso in shirkad aan muwaadin ahayni fuliso.
gabgabadii xiligan dekada Berbera waxa si joogto ah ugu xidhan afar shirkadood oo waawayn ahna kuwa koonteenarada xambaara runtiina magaci dekada Berbera kor ayay u qaadeen waxaana ku amaanan muwaadiniita iyagu ku dadaalay in aay maraakiib caalimya kusoo xidhaan dekada berbera
Hadhwanaagnews
Berbera.