Saxaafad "Qabac" doon ah & Xukumad Qaladkeed-la sheeg- diidan ah:

0
Thursday June 20, 2019 - 10:30:27 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1251
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saxaafad "Qabac" doon ah & Xukumad Qaladkeed-la sheeg- diidan ah:

    Su'aasha ah saxaafada Somaliland markay ka gudubto heerka hufnaanta,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Su'aasha ah saxaafada Somaliland markay ka gudubto heerka hufnaanta,

hubsashada waxa ay baahinayso, ilaalinta haybada saxaafaddeed iyo baahinta warar sugan oo dheeli tiran yaaa qabanaya, YAASE U DABAR U AH?

 

Waa ta jawaab la'aanteedu keenaysa in ay yimaadaan xaalado aad u fool xun oo ka kala yimaad saxaafada iyo hadba xukumada dalka ka jirta.

 

Caalamka xeer saxaafadeed ay xukumad iyo ururo saxaafadeed isla soo qaateen oo Gole Wakiilo soo mariyey ma dabro xukumad ama saxaafad mid ba mid ka kale ku gafayo.

 

Kuwaa aan sheegayo waxa ka mid ah saxaafada ay xukumadu gacanta ku hayso, sida TV Qaranka iyo Radio Hargeisa iwm.

Iyo saxaafada lagu sheego mid madaxbanaan oo noqotay in la iska qaato kamarad iyo makarafoon, qol-yarna la is daba dhigo daaha cagaaran, iyadoo studio aan jirin la isku sawiro, hay'ad iyo xeer dabraana aanu jirin.

 

AMA

 

Waxa aynu ogsoonahay in ilaa xiligii xukumadii Marxuun Cigaal kolba xaalad ay saxaafadu soo maraysay, sidoo kalena ay dhacayeen ficilo aad u fool xun oo kala ah baahin aan hubsiimo iyo hufanaan ama dheeli tir aan lahayn iyo talaabooyin lagu xayirayo hay'ad saxaafadeed ama xadhig loo geysanayo xubno saxafiyiin ah.

 

Somaliland uma baahna saxaafad lagu sheego in ay madaxbanaan tahay, balse shilin raac ah oo ku shaqaysa "Qabac" oo maalinta cida ay ka weydo waxay doonto afuufta. Sidoo kalena uma baahna saxaafad ku yeedhisa af-xukumadeed oo adeegsanaysa idaacad cashuur bixiye yaashu ayna ka wada helayn baahin ay u siman yihiin.

 

Saxaafada lagu sheego in ay madaxbanaan tahay ee Somaliland waxay jeebk ugu jirtaa hadba cidii ku shubata, sida xukumada guno u qorta, ganacsato xayeysiiyo siisa iyo hay'ado caalami ah oo siminaaro yar yar ku saba.

 

Somaliland waxay u baahan tahay hay'ad awood buuxda u leh in ay hubiso dhamaan baahinta saxaafadeed, telefoonada iyo wixii isgaadhsiin oo dhan, taas oo ka madaxbanaan xukumadkasta oo timaad, isla markaana ilaalisa xuquuqda dadweynaha guud ahaan, si adagna u hubisa waxa ka baxaya saxaafada sidata magac "madaxbanaani" waxa ay baahinaysaa in aanay ahayn kuwo dhan karan, cid-gaar ah ku foognayn iyo "Qabac" raac ahayn iwm.

 

Haddii kale waxa jiri doona idaacado baahiya warar iyo barnaamijyo "Qabac" doon ah iyo xukumad ka falcelisa marka wax xajiimeeya ka maqasho., taas oo keenaysa, xadhig saxafi, hay'ad saxaafadeed iyo xukumada miciinsata saxaafada ay gacanta ku hayso si la mid ah.

 

Somaliland waxay soo gaadhay xiligii la kala hurgufi lahaa xidhmooyinkan magacyada badan ee magaca "Madaxbanaani" ee xaqiiqada ka fog sita iyo baahin "Qaran" oo haddana aan loo sinayn sinaba.

Abdilaahi M. Ali


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...