Qaabaynta Siyaasada Arimaha Dibada

0
Thursday June 20, 2019 - 10:14:16 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1541
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaabaynta Siyaasada Arimaha Dibada

    macno ahaan sharciga caalamigaa waxaa loo micneeyaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

macno ahaan sharciga caalamigaa waxaa loo micneeyaa

" waa dejin xeer oo u dhexeeya dalalka aduunka” hadaab jiritaanka xeerka caalamigaa ambaba caadada caalamigaa waxaa xadeeya nidaamyada  jira  kuwaas oo leh   heshiisyo goboleedyo iyo mucaahadooyin ,hadaba xeerka caalamigaa waxaa dhaqaajiya siyaasada dibada ( foreign policy ) waxaanaa waajib aha qaramada aduunku in ay adeecaan ajiibaana xeeraraka caalamigaa, maxaa yeelay dhibaatooyinka uu sameeyo xeerka aduunku waxay hoos tagysaa siyaasada arimaha dibada,



sikastaba ahaatee, dooda ka dhalatay xidhiidhka  caalamigaa (intarnational relation) iyo natiijada ka dhalata xeerka caalamigaa (intarnational law) hadii dalalku u fiirsadaan xeerarka caalamiga iyo caadooyinkooda waxay u qiimayn lahayeen sidii xukun caalamiya, amaba qaarna wayn  adeeci lahaayeen qaarna way diidi lahaayeen , laakiin (realism) ku waxay ku doodaan xeerka caalamiga ahi in  aanu waxa ku tiirsananana  aanu ku lahayn siyaasada arimaha dibada ,


tusaale ahaan duulaankii uu maraykanku ku qaaday Iraaq sanadkii 2003dii ,waxa uu bixiyey tusaale cad oo xeerkii caalamiga aha ka dhigaya mid aan jirin (intarnational law lacks )  uuna caalmaku ka fahmay sadex waxyaabood oo

In dalkasba u gar yahiin arimahiisu iyo sharcigiisu

In dalkastaa in uu leeyahy xukunkiisa uuna sharcigiisu igu shaqeeyo sida uu isagu rabo una turjinto ,

Dal kastaan in uu leeyahay arimahiisa caalamigaa iyo poliskiisaba


Sikastaba ahaatee (liberal institutionalist ) haydaha xortaa waxay ku doodaan xeerka caalamiga ahi in uu qotodheer yahay oo uu  yahayna mid wayn, xeerkuna waxabuu mabnuucaa qiimo yara wuu ku kacaa marka siyaasadi jirto.


Hadii aynu xeerka xaalamigaa ka eegno dhinaca wanaagsan waxaa aynu odhanaynaa nidaamiya dabeecadaha qaramada aduunka, waxaana haboon in qaramadu adeecaan (respect) caadooyinka caalamigaa inta aanay wajahin culaysyo, waa in ay sameeyaan dhaqdhaqaaqyo caalamiya sida ( intranational activist ) sida dhaqdhaqaaqa xoriyada dadka ( human right activists )


Waxaa kale oo la odhan karaa waa heshiisyada iyo mucaahadooyin u dhaxeeya umadha aduunak si ay midba mida kale ula yeelato waxa iswaydaar si iyo in reer magaalku (citizen s) kalkale la macaamili,


Hadaba xeerka caalamiga ahi waxa uu ku socdadaa laba qodob oo kal aha, (privete international law) xeerka gaarkaa ee caalamigaa oo u dhaxeeya dadka iyo shirkadaha (people or corportions ) kaas si wayn u qaata doorkiisa ,tusaale ahaan, markii warshad samaysa gaaska suntaa oo kutaala Indai ay ku neefsatay gobolkii ay ku taalay , taas oo ay lahaayeen maraykankaiyo iyo unions  carbide, markiiba maraykankau waxa uu ictiraamay (private international law) wuuna ajiibay.


Iyo kale oo aha (public interanational  law) kaas oo u dhaxeeya  aduunaka kaas oo ay ku jiraan qaaciidooyinka caalamiga ee dabeecadaha (standerd interanational behavior ) oo ay ku jiraan xeerka badaha, xeerka dhaqaalha , xeerka duplamaasiyada, xeerka deegaanka, xeerka xuquuqda aadanaha, iyo xeerka is taakulayn  (humanitarian )  IWM ,


waxaa kale  ( constructivist)  kuwa quryar socadkaa  ku doodaan xeerka caalamigi (intranational law) iyo siyaasada arimaha dibadu (foreign polcy ) yahiin tusaale wajaha oo habeeya oo siiyana dariiq khariiradeed (roadmap ) dawladaha iyo dabeecadooda (behavior ) si ay u awoodaan in ay abuuraan xidhiidho kale


waxaa kale oo la odhan karaa xeerka caalamiga ahi waa  " right (xuquuq) masuuliyad (responsibility ) waajbaad (obligations)  ay leedahay siyaada arimaha dibadu,


By: khaddar adam aw muuse

[email protected]

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...