Beesha Arab Oo Ka Shiraysa Xaalada Laascaanood

0
Tuesday February 21, 2023 - 13:47:56 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2536
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Beesha Arab Oo Ka Shiraysa Xaalada Laascaanood

    "Suldaan Barre Xaaji Xuseen iyo Suldaan Xuseen X. Cabdilaahi oo kamid ah salaadiinta waawayn ee Beesha"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Suldaan Barre Xaaji Xuseen iyo Suldaan Xuseen X. Cabdilaahi oo kamid ah salaadiinta waawayn ee Beesha"

Hargaysa (HWN) Beelwaynta Arab ayaa shirar ay kaga tashanayaan xaalada ay ku jirto wakhti xaadirkan Somaliland ku yeelatay Magaalada Hargaysa.

 

Shirarkan ayaa daaran sidii beeshu ay ucadayn lahayd mooqifkeeda ku aadan colaada ka socota magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood, inkasta oo hore shir ay yeesheen madax dhaqameedka Beesha Arab ku sheegeen in beeshu garab taagantahay shacabka Laascaanood.

 

Suldaanka Guud ee Beesha ARAB Suldan Dr. Cabdiraxmaan Sul. Cumar Sul. Maxamed  ayaan qeyb ka aheyn wafdiga ka kooban bahda dhaqanka ee nabadaynta ugu baxay Laascaanood, waxaynu xoguhu sheegayaan inuu ka cudur daartey inuu  ka mid noqdo waftiga madax dhaqameedka ah ee Laascaanood u baxay .

 

Suldaan Barre Xaaji Xuseen iyo Suldaan Xuseen X. Cabdilaahi oo kamid ah salaadiinta waawayn ee Beesha Arab Ayaan iyaguna kamid ahayn wafdiga ubaxay Laascaanood.

 

Suldaanka Guud ee Beesha Arab oo dhawaan warbaahinta la Hadley ayaa sheegay inuu la  dareen yahay oo uu dhinacooda mar walba taagan yahay Beesha Dhulbahante.

 

Dhawaan ayay ahayd markii Beesha Garxajis shir ay yeelatay ku sheegtay inayna ka qayb galayn ergada nabada ugu baxday dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood sidoo kale Beesha Ayuub ayaa madaxda dhaqanka ee ugu saraysaa ay shalay warbaahinta usheegeen inayna beel ahaan ka qayb gelayn ergada safarka ugu baxday Magaalada Laascaanood.

 

Sidaa daraadeed Beelaha Arab, Garxajis iyo Ayuub ayaan kamid ahayn ergada ubaxday magaalada Laascanood, marka laga yimaado shakhsiyaad beelahaasi ka soo jeeda oo iyagu si iskood ah uraacay ergada, balse aanay beelahaasi u idman inay ergadaasi ku metelaan.

 

Isku soo wada duuboo  dhawaan ayaa la filayaa in Beesha Arab ay shaaciso mawqifkeeda ku wajahan dagaalka Laascaanood

 

Hadhwanaagnews

Hargaysa/Office


Loading...
Loading...