Sheekda Layaabka Iyo Qosolka
Gabar iibisa kutubada ayaa waxay aragtay saaxibkeeda oo dhankeeda usoo socda
Xilligaana aabaheeda wuxuu ahaa mid taagan meel ayada udhaw.
Waxay saaxiibkeeda ku tiri"Miyaad utimid in aad qaadato kutubkii uu cinwaankiisu ahaa (IS FATHER ATHOME -Aabuhu guriga miyuu joogaa )uu qoray
Qoraagii germanka ahaa (shakespear.)
Wiilka : maya waxaan u'imid in aan qaato kutubkii cinwaankiisu uu ahaa (WHERE SHOULD I SEE YOU - halkee ku haboon in aan kuugu arko) uu qoray qoraagii englishka ahaa (Thomas hernaner).
Gabadha: kutubkaa mahayo laakiin waxaad halaysaa kutubka uu cinwaankiisu yahay (UNDER THE MANGO TREE -geedka canbaha hoostiisa) uu qoray qoraagii americanka ahaa (patrice Olver.)
Wiilka: waad mahadsantahy, laakin ma'awoodaa in aad bari schoolka igu keento kutubka cinwaankiisu yahay ( I WILL CALL YOU IN 10 MINUTES- 10 daqiiqo gudaheeda ayaan kulasoo xiriirayaa ) uu qoray qoraagii Belgianka ahaa (jonh Bernar).
Gabadha: haa si ay farxad ku jirto waa diyaar laakin ha'ilaabin in aad ii keento kitaabka (I WILL NEVER LET YOU DOWN - marnaba kuma hoojindoono ) uu qoray qoraagii Frenchigaahaa (michel daniel.)
Aabihii ayaa yiri"ciwaanada sooma farabadna kuligooda miyuu aqrinayaa?"
Gabadha: haa aabe asiga waa aqriye wanaagsan wax aqrintana aad ugu dheereeya.
Aaabihii ayaa yiri" Waad mahadsantahy gabadhaydiyay waan fahmay laakin sidoo kale waa in uu aqriyaa wiilka kutubka (I'M NOT STUPID , I UNDERSTAND EVERY THING- aniga ma'ahi dabaal waxkasta waan fahamay) uu qoray qoraagii holandiga ahaa (Frank martizen.)
Sidoo kale gabadhaydiyee adigana waa in aad aqridaa kutubkii aan kuu keenay ee saarnaa miiska dushiisa cinwaankiisu uu ahaa (GET READY TO MARRY TOMORROW FROM YOUR COUSIN - Bari ahaaw mid udiyaar ah guurka ina adeerkaada) uu qoray qoraaga Russianka ahaa maurice henry.
Asxbta sheekadaan maxaad ka fahanteen .
Waa sheeko afgarasho ka hadlayso gaar aahaan reer shukaansiland ee wax ka fahma sheekadaan casharna ka barta.
W/Q/ Abdi Wahid Faa'iz
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!