Muxuu Allah ugu waajibiyay dumarka xijaab.
Waajib kasta oo Allah uu ku waajibiyay dadka waxa uu Allah ka leeyahay xikmad iyo u jeedo, u jeedooyin ka uu Allah xijaab ka kaleeyahay waxa ka mida.
1-aad: Raacidda amar kiisa iyo ku dhaqan ka waxa uu amrayo ibnu aadam ka, asal ka loo abuuray dadka ayaa ah cibaado,in ay gabadho qaadato jixaab ka waa calaamad lagu garan karo in tahay gabadh fahan tahay amar ka rabigeed.
2-aad: Ilaalinta gabadha, xijaabku waa ilaaliyaha sharafta gabadha,xijaabka waa ilaaliyaha gabadha,kaasoo ka ilaaliya dadka xunxun ee raba in ceebeeyaan dumarka dhowr soon,gabadha xijaabata waxa ay dhawrtay sharafteeda iyo sharafta ehelkeeda.
3-aad: dhawrida qalbiga gabadha,gabadha xijaaban waxa ay kor u qaaday haybada islaamka iyo in uu islaamku gabadha sharaf teeda dhawray, ogow aayada salaada waajibisay iyo midda xijaabka waa jibisay labaduba waa qur,aan maxay tahay sababta aad midna u qaadanasaa midna aad uga tagasaa?
4-aad: Xijaabku waxa uu calaamad u yahay akhlaaq iyo xishood,[NABIGU]SCW,waxa uu yidhi xishoodku waa qayb ka mida iimaanka waxa uu keenaa wanaag iyo khyr oo dhan,
5-aad: Xijaabku waa asturaha gabadha jidh keeda oo dhan,fasahaadka kadhacaya maanta ee kadhacaya waddamada muslimiinta wax yaabaha keenay waxa ka mida in iska daayeen hablaha muslimiintu waajibkii Allah ku waajibiyay,waajib kasta oo laga tagaa wuxuu leeyahay dhibaato ka dhalata.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِىُّ قُل لِّأَزْوَٰجِكَ وَبَنَاتِكَ وَنِسَآءِ ٱلْمُؤْمِنِينَ يُدْنِينَ عَلَيْهِنَّ مِن جَلَٰبِيبِهِنَّ ۚ ذَٰلِكَ أَدْنَىٰٓ أَن يُعْرَفْنَ فَلَا يُؤْذَيْنَ ۗ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورًا رَّحِيمًا
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!