Wasiirka Dhaqanka, Diinta iyo Awqaafta ee Jabuuti oo xadhigga ka jaray Shaneemo
Wasiirka Dhaqanka, Diinta iyo Awqaafta ee Jabuuti Muumin Xasan Barre ayaa xarigga ka jaray shaneemada cusub ee laga hirgeliyey magaalada Jabuuti.
Shaneemada cusub oo ka kooban 6 hool oo midkiba uu qaadayo 150-170 qof waxaa maalgeliyey malqabeen u dhashay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta
Agaasimaha machadka fanka Jabuuti, Nabiiha Muumin Waabari oo munasabadda daah-furka ka hadashay waxay tiri "Waxaan maanta u joognaa furitaanka shaneemada ugu weyneyd ee Jabuuti laga hirgeliyo iyada oo baahi badan loo qabay shaneema casri oo noocan ah iyada oo ay shaneemooyinki horay dalka uga jiray ay sida: Shaneemada Odion iyo Shaneemada Paris ay meesha ka baxeen."
"Waxayna shaneemadan dhalinyarada u sahleysaa iney helaan meel ay ka fiirsadaan filimaanta iyo bandhigyada ruwayadaha." ayey tiri Nabiiha.
Munaasabadda daah-furka waxaa ka soo qayb galay dadweyne aad u badan waxaana ka mid ahaa fannaanka weyn ee Cabdinuur Allaale.
"Dhismahan aynu joogno waxaa laga furay shaneemooyinka lix qaybood ka kooban, yacni taariikhda ayey gashay waxaana furay wasiirkayaga dhaqanka, diinta iyo awqaafta oo si la yaab leh u furay shacabka reer Jabuuti waan ugu hambalyeynayaa, ciddi dhistay iyo cid kasta oo ka qayb qadatayna waan u mahadcelinayaa maadaamaa ay nala simeen caasimadaha adduunka." ayuu yiri Cabdinuur Allaale
Marki xarigga laga jaray shaneemada dadki munaasabaddaasi ka soo qayb galay waxaa lagu daawashiiyey filim iyaga oo si weyn ula dhacay qaabka shaneemooyinka ay u diyaarsan yihiin iyo sida quruxda badan ee loo dhisay.
BBC