Kacdoonka Faafan-Direed (Jigjiga) Guul!

0
Saturday February 18, 2023 - 08:50:02 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1226
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Kacdoonka Faafan-Direed (Jigjiga) Guul!

    Ujeeddo: Faafan-Direed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ujeeddo: Faafan-Direed

No description available.



Faafan-Direed, wali ma aanay xoroobin, oo Daarood, oo gobolkiisii ay baahi ka keentey, oo abaari ka soo qaxisey, ayaa wali gumeysanaya, oo wali ka talinaya, oo wali u talinaya; oo Beeshii Direed, ee Faafan-Direed iska lahaydina, wali sidii ayay Absame iyo Gari Koombo ugu hoos dulman tahay, oo wali sidii ayay Absame iyo Gari Koombo ugu hoos dulleysan tahay, oo wali sidii ayay Absame iyo Gari Koombo, waa nasiib darro'e, ay ugu amar-ku-taagleeyaan.


 

Dir, oo Faafan-Direed iska leh, ayay qoysas Absame ah iyo qoysas Gari Koombo ah, oo Faafan-Direed soo martiyey, oo macaluul-keentey ahi ku xukumaan; oo ugu dawladeeyaan.


 

Qarafo keenteygu, waa run, oo Faafan-Direed, cidluu ka heley, oo Jigjiga waa looga kala guurey, oo dhul-beereedkii waa looga kala cararey, oo Jaarso waa taas, oo xataa Tulli-Guuleed ayaa lagu qabsadey, oo Jeegaantuna horey ayay dhinacan Somaliland ugu soo qaxdey; oo beeraheedii uga soo carartey, oo waa kuwaas ay Jid-Waaqu ka dhex-botoriyaan, ee ku badhbadhaadheen, ee ku naaxnaaxey, ee ay isa-siiyeen.


 

Hadal waa murti’e, beelahan Direed, ee hoos ku xusan, ee Reer Faafan-Direed, waa inay si degdeg ah u kacaan, oo kacdoon u abaabulaan, oo guud ahaan Faafan-Direed iyo gaar ahaan Jigjiga, waa inay si degdeg ah u xoreeyaan; oo xukunka ula wareegaan – bi idni Allaah.


 

Beelaha Direed, ee Faafan-Direed iska leh:


 

- Jaarso

- Jeegaan (Habar Jecle iyo Habar Awal)

- Samaroon

- Ciise

- Akisho

- Gurgure

- Bursuug

- Sheekhaash (Sheekhaal).

 

Tixgalin mudnaan badan leh.

 

Maxamed Sheekh Daahir

 

[email protected]


 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...