Musharax Cirro Oo Tacsiyadeeyay Dadkii Ku Geeriyooday Dhulgariirka.
Hargaysa (HWN) Musharax
Madaxwayne ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa shacabka dalka Turkiga kaga
tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay masiibadii dhulgariirka ee dalkaasi ku dhufatay.
Cirro ayaa qoraal uu
baahiyay ku sheegay in uu Booqday xafiiska dawlada Turkigu ku leedahay
Hargaysa.
"Waxa aan dhawaan tegay
Qunsuliyadda Guud ee Dawladda Turkiga ah ee aan walaalaha nahay ku leedahay
Caasimadda JSL ee Hargeysa si aan uga tacsiyeeyo Dawladda iyo Shacabka Turkiga
ba dadkii ku dhintay musiibadii dhulgariirka ahayd ee dhawaan ka dhacday
wadankaas. Waxa aan saxeexay buugga tacsida ee loo furay dadka ku dhintay
dhul-gariirkaas.
Eebe ayeynu
naxariistiisa u weydiineynaa iyo in uu ku casuumo Jannatul Firdowsa dadkii
halkaas ku geeriyooday, annaga oo la qeybsaneyna xannuunka iyo dhibka ka soo
gaadhay walaalaheen Turkey.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.