Xukuumada Oo Markii Ugu Horaysay Ka Hadashay Xayiraada Ay Saartay Laba Telefishan Oo Madax Banaan

0
Wednesday June 19, 2019 - 23:33:38 in News by
  • Visits: 4065
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Oo Markii Ugu Horaysay Ka Hadashay Xayiraada Ay Saartay Laba Telefishan Oo Madax Banaan

    Xukuumada Oo Markii Ugu Horaysay Ka Hadashay Xayiraada Ay Saartay Laba Telefishan Oo Madax Banaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Oo Markii Ugu Horaysay Ka Hadashay Xayiraada Ay Saartay Laba Telefishan Oo Madax Banaan


Hargeysa(HWN):-Xukuumada somaliland ayaa markii ugu horaysay ka hadashay xayiraada ay saartay telefishanada Eryal iyo Horyaal oo ka mid ah warbaahinta madaxa banaan.


Wasiirka arimaha gudaha somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo ka hadlay talaabada lagu xidhay labadaasi hay’adood ee warbaahinta madaxa banaan ka tirsan ayaa sheegay inay kala xidhiidhayaan wasaarada warfaafinta iyo hay’addaha qaabilsan sharciga dalka.

Image result for wasiir maxamed kaahin


Sidoo kale wasiir Maxamed Kaahin ayaa sheegay inaanu jirin xadgudub gaar ah oo loo gaysanayo labadaas telefishan.


Wasiirka arimaha gudaha somaliland oo ka hadlaya talaabada ay xukuumadu ku xayirtay labada telefishan ayaa waxa uu yidhi "Telefishanada xidhan arintooda waxa lagala xidhiidhaa wasaarada warfaafinta,waxaanan imika kala sii xidhiidhaynaa hay’addaha ka shaqeeya shuruucda qaranka iyo hawlahaas, xad gudub saayid ah oo lagu galayaa ma jirto”


Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...