Puntland Oo Baasaaboor Ay Yeelanayso Soo Bandhigtay Iyo Amar Socdaalka Ah Oo Ay Soo Rogtay

0
Wednesday June 19, 2019 - 22:25:31 in News by
  • Visits: 6270
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland Oo Baasaaboor Ay Yeelanayso Soo Bandhigtay Iyo Amar Socdaalka Ah Oo Ay Soo Rogtay

    Puntland Oo Baasaaboor Ay Yeelanayso Soo Bandhigtay Iyo Amar Socdaalka Ah Oo Ay Soo Rogtay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Puntland Oo Baasaaboor Ay Yeelanayso Soo Bandhigtay Iyo Amar Socdaalka Ah Oo Ay Soo Rogtay


Garoowe(HWN):-Maamul goboleedka soomaaliya ee Puntland ayaa shaaciyey inaan deegaanadooda lagu soo gali Karin fiiso la,aan.


Wasiir ku xigeenka amniga maamulka Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil ayaa warbaahinta maamulkaasi u sheegay inaan la ogolayn in deegaanada maamulka lagu soo galo fiiso la,aan isla markaana cidii ku soo gasha la qaban doono isla markaana sharciga la horgayn doono.

No photo description available.


Wasiirka amniga ee maamulka Puntland oo ka hadlaya amarka cusub ee ay soo rogeen ayaa waxa uu yidhi "Maamulka PUntland waxa lagu soo gali doonaa fiiso lamana aqbali karo in lagu soo galo sifo aan sharci ahayn, cid kasta oo tahriib ama fiiso la,aan ku soo gashana waa la qabanayaa.


Wasiirku ma cadeynin cida laga doonayo iney fiise ku soo gasho degaanada Puntland Soomaalida iyo iyo ajaaniibta kuwa ay yihiin, balse hadalkiisa oo ahaa mid aad loola yaabay ayaa su’aalo badan ka dhex dhaliyey Soomaalida, iyadoo baraha bulshada si weyn looga hadal hayo.


Dhinaca kale maamulka Puntland ayaa soo bandhigay baasaaboor cusub oo maamulkaasi yeeshay, iyada oo aan ilaa hada la garan ujeedada ka dambaysa in maamulkaasi samaysto baasaaboor ka madax banaan kan dawlada federaalka ah ee soomaaliya oo laga qaato.

 

 

Loading...
Loading...