Ururka Solja Oo War-war Ka Muujiyay Xaaladda Amni Ee Suxufiyiinta Somaliland+Kana Hadlay Dhaqanadda Ay Boolisku La Soo Baxeen.

0
Saturday March 09, 2019 - 18:47:33 in News by
  • Visits: 1879
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Solja Oo War-war Ka Muujiyay Xaaladda Amni Ee Suxufiyiinta Somaliland+Kana Hadlay Dhaqanadda Ay Boolisku La Soo Baxeen.

    Ururka Solja Oo War-war Ka Muujiyay Xaaladda Amni Ee Suxufiyiinta Somaliland+Kana Hadlay Dhaqanadda Ay Boolisku La Soo Baxeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Solja Oo War-war Ka Muujiyay Xaaladda Amni Ee Suxufiyiinta Somaliland+Kana Hadlay Dhaqanadda Ay Boolisku La Soo Baxeen.


Hargaysa(HWN)Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, waxa uu u arkaa dhacdooyinka soo noqnoqday ee dhex maray Askar ka tirsan Booliiska Somaliland iyo Suxifiyiinta inay yihiin dhacdooyin loo baahan yahay in Taxadir farabadan laga muujiyo oo dhinac kastaa masuuliyadda saaran u guto si xilkasnimo leh.



Gaar ahaan dhacdooyikii ka dhacay maanta iyo khamiistii ina soo dhaaftay magaaladda Gabilay waxay ahaayeen kuwo sumcad xumo wayn u soo jiiday Amniga.


Ururka SOLJA, waxa uu u arkaa Askarta Booliiska ahi inaanay xaq u lahayn iyaga iyo masuuliyiinta ay ilaaliyaanba inay Suxufiyiinta ka hor istaagaan inay War ka doonan karaan goob kasta oo ay uga baahdaan.


Waxa soo noqnoqotay inay Askarta qaarkood iyo masuuliyiintuba si joogto ah ugu hayaan Suxufiyiinta inay u diidaan goobaha wararku ka jiraan, gaar ahaan xarumaha Dawladda iyo munaasibadaha waawayn.


Falalka gacan ka hadalka ah ee ay askartu kula kacayaan suxufiyiinta waa kuwo aan marna u banaanayn waxa waajib ku ah haddii qalad lagula kaco inay sharciga u maraan.


Maamulka Degmadda Gabilay, waxaanu u aragnaa inay awood ka baxsan sharciga iyo nidaam darro ula macaamilaan suxufiyiinta gobolkaasi.


Suxufiyiinta Somaliland sharcigu uma banaynayo inay awood, Tahdiid iyo sheegasho waxaanay ahayn ku helaan wararka iyo barnaamijyadda ay ka shaqeeyaan.


Sidoo kale, sharcigu waxa uu ku waajibinayaa Badbaadada Naftoodu inay ka qaalisan tahay warka ay doonayaan, isla markaana ay u hogaansamaan haddii laga hor istaago goob ay war ka doonayaan.


Waxa muhiim ah wariyuhu inuu sifo sharci ah u maro haddii loo diido xuquuqaha u leeyahay oo ay war doonistu kow ka tahay, hase yeeshee marnaba mar marsiinyo u noqon mayso inuu Naftoosa halaag u galiyo maxaa la ii hor istaagayaa.


Ururka SOLJA, waxa uu ugu baaqayaa hogaanka sare ee Booliiska, Wasaaradda Warfaafinta iyo masuuliyiinta kale ee ay khuseeyaan dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Wariye Sagal Beel_deeq in si dhakhso ah ay wax uga qabtaan, wixii ka dhashay ee dhib ahna deg deg loo saxaa.


Loading...
Loading...