Maxay yihiin waanooyinka kaa dhigaya guuleyste?.

0
Wednesday February 15, 2023 - 11:41:37 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 744
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay yihiin waanooyinka kaa dhigaya guuleyste?.

    1.Waligaa ha isdhiibin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1.Waligaa ha isdhiibin.


Marar badan ma aragtay in aad isku dayday , inaad qabsato wax dantaada ah, balse dadka ayaa wax ku odhan ma u joojisay?

Tusaale, haddii adiga oo ah qof weyn ma ku tashatay inaad Quraanka barato. Marka aad la bilowday carruurtii yar yareyd. Dhor jeer ma aragtay dadka kale oo ku leh: ma adiga oo weyn ayaad carruurta wax la dhigataa? Kaba darrane, adiga oo xaga hore ee ardayda fadhiya, ma lagu mooday barihii?


Ma u adkeysan kari weyday, hadallada bulshada kaaga soo dhacaya ee soo gaadhaya dhegahaaga? Dabadeed sidaa ma ku joojisay waxdhigashadii? Waxa la odhan karaa waad isdhiibtay . Waxa aad sidaa u yeeshayna waa dad kale; waa cabsi aad ka qabto dadka.

Arrinta la yaabka lihi waxa ay tahay, naftaadu wey jeclayd inay waxbarato, haddana ma jeclayn hadallada bulshada ee soo gaadhay. Tani waxa ay keenaysaa in adigii is-hirdido. Naftaadii ayaa laba dhinac ah oo geesaha Isla galaya.

Runtu waxa ay tahay inaad taqaanid ta kuu wanaagsan, balse waad isdhiibtay. Isdhiibidu wax kale maaha: waa guuldarradii baad isku dhiibtay. Guuldarradii baa u gacan gashay. Iyada ayaad ka mid noqonaysaa. Magacaagiina wuxuu noqday: Guuldarreyste!

Isdhiibida ka hor inta aanad ka gungaadhin shaygu waa sida ilmo caloosha ku jirey oo la soo riday ama la soo xaaqay, sabbtuna ay tahay iyada oo la ga baqayo in uu gaajo u dhiman doono haddii uu dhasho! Waa sida adiga oo ka baxsanaya hadhkaaga! Hadhkaaga ma carari kartaa?

Qoomammada isdhiibidu waa mid xanuun badan taasi oo dhaawac kugu haynaysa inta ka hadhay noloshaashada, iyada ay ugu wacan tahay in aanad arkaynba dhammaad ah.

Ileen shay kasta oo aad bilowdo, marka dhexda aad marinayso ayaad isdhiibtay oo aad ka tagtey. Macnuhu waxa weeyi bilowga waad aragtay, balse dhammaadkii maad arag! Maxa aad arki ma adiga ayaa ba sugay. Sowdigan cagaha wax ka dayay .

Aan ujeedada ku soo durkee, marka aan ku leeyahay maad arkin dhammaadka, waxa aan uga jeedaa maad gaadhin natiijadii. Maad arkin natiijadii ileen marka waxa aad dooneysid inaad ka ku guuleysato ee aad u dhabar-adaygto ayaa midhihiisa la arka. Macnuhu dhammaadkii waad aragtay weeyi.

Wax kasta oo aad u gacan qaado, waad ku guuldarraysatay. Waxa aad aragtay adiga oo meel cidlo ah maraya. Dadku waxa ay kuugu yeedhayaan: kani waa faashil, kani waxba ma yaqaan, waa sidan iyo sidaa.. waa ceynkan iyo ceynkaa ...

Horta waxa aad ogataa in noloshu isaga samaysan tahay dhibaato. Dabeecadeeda ayaa ah carqallad, hungow iyo kacaakuf.

Sidaa awgeed, waa inaad noqotaa mid adkeysi leh. Haddii aad shay ku guuldarraysato , waa inaad mar kale isku daydaa ; haddii aad haddana aad dhulka ku dhacdo, waa in aad kacda. Waa inaad boodhka iska tuntaa oo aad halkaa hore uga sii socotaa ilaa aad soo taabatid halkii aad doonaysay.

Waligaa ha quusan. Waligaa ha isdhiibin. Noloshu waa adayg iyo halgan umana baahna qof jilicsan. Ma jirto wax iska fudud oo la helaa. Guuleyste kasta intaas oo caqabadood ayuu ka soo dul boodaa. Kii aan isdhiibin oo kaliya ayaa guuleysta. Ka aan quusan ayaa guusha ku dambeeyay.
Waligaa ha isdhiibin hadda waa waligaa!

2. Aamin naftaada.
Waan ogahay inaad marar badan maqashay tan: aamin naftaada. Taas macnaheedu waa mid jirta oo run ah.
Aamminida nafteydu waxa ay macnaheedu tahay ku-kalsoonaanta kartidaada. Taasi waxa ay inoo tilmaamaysaa in haddii aad ku fikirto inaad wax qaban karto oo aad maanka galiso aad awood u yeelanayso qabashadiisa.

Waad ka gudbi kartaa kalsooni la'aanta nafta, waxa aanad yeelan kartaa kalsooni aad tallaabo ku qaadi karto oo aad wax kasta ku qaban karto: marka aamminsan tahay naftaada.
Noloshu malaha xuduudo, marka laga reebo kuwa adigu samaysatay. Waligaa naftaada ha barbardhigin cid kale, marka laga reebo noloshaadii hore. Waa in aad isweydiisaa, maxaa kuu kordhay? Gu'gii tagay iyo kan maanta, maxaa naftaada u kordhay?
Ogow, kalsoonidu waa shayga ugu muhiimsan ee aasaasiga u ah guusha.

3. Guushu waxa ay noqon kartaa kudayasho.
Habka ugu dhakhsaha badan ee aad guusha ku gaadhi karto, waa helida qof kaa guullo badan oo aad ku dayato guulihiisa. Ha dheegan(copy) kaliya waa ku dayo guushiisa.

Baro sooyaalka dadka guuleystey . Baro dabeecadahooga. Baro sida ay u awoodayeen carqalladihii soo wajahay. Qof kastaa waa mid soo jiidhay dhibaatooyin.

Haddii hadda aad tahay mid la daallaa-dhacaya culeysyo iyo carqallado, ha ku joojin dhexda. Wad ilaa ay dhammaanayaan. 

Mar kasta oo ay dhibaatooyinku waaweyn yihiin, waa mar kasta oo guul lama-ilaawaana aad hantinayso; waa mar kasta oo guullo waaweyn gacanta ku dhigayso.

Bal daawo dadka guuleystey marka ay ka sheekeynayaan tagtadoodii iyo sida halkan ay taagan yihiin ku soo gaadheen; waxa aad dareemaysaa yididdiilo. Waxa aad isdhigaysaa halkooda. Adigu in aad iyaga tahay ayaa aad moodaysaa! Wareysigooda xitaa haddii uu saacad soconaayo , dhegta ayaa aad u raaridaysaa.
4. Sirta ugu weyn ee guusha.

Miyaad raadinaysaa sirta ugu weyn ee guusha?
Ma jirto wax sir ihi! Haddiise, laga tagi waayo, sirta ugu weyn ee guushu waa ka-faa'iidaysiga fursadaha oo bilaa labac-labaca.

Marka aad farsada sidaa indhaha qac ugu siisaba waa inaannad dhankaa iyo dhankaa toonna aannad eegin. Waa in aad madaxmadax isugu tuurtaa.

Ma taqaanaa cadowga guusha? Haddii aannad aqoon, aniga ayaa kuu sheegaya . Waa in aad meel ku qorataa. Cadowga ugu weyn ee guushu waa DIBDHIGASHADA!

Waqtigu waa lacag, haddii uu tago sidaa ayuu ku tagay. Dib uma soo celin kartid.
Waa mid socda oo aan istaag lahayn.

Marka uu galbadana gabbalkiisii baa dhacay weeyi, dibna in aad u heshid lagama yaabo! Halka daqiiqo ee ku dhaaftaa waa sida qof dhintay.

Qofkii kaa dhintay dib miyuu kuugu soo noolaadaa? Waa MAYA!
Haddii xaalka sidaa u garatay, miyaa lagaa maqli: halkee waqtiga ku soo lumiyaa? Aminta ayaa aan iska soo ridayaa? Kolay adiga ayay ku khusaysaa!

Dadka qaar ayaa ku riyooda guusha, halka kuwa kale subax kasta u kacaan inay dhab ka dhigaan! Waa inta rag isdhaafisay.

Qaar riyo kaliya ayay hayaan. Riyo run noqon weyday. Qaarna waxa ay u xadhka-xidhaan sida ay uga dhabeyn lahaayeen oo ficilkii bey la imanayaan. Adigu kuwee baa tahay?

Anigu kuma aqaan kuwa aad tahay balse, adiga ayaa sheegi doona!

Ugu dambeyntii, waanooyinka guushu wey ka badan yihiin afartan aynnu xusnay.

Balse, gowska ku qabso oo waligaa ha ilaawin. akhriste, waan hubaa adiga laftaadu in aad sheegi kartid, tallooyin aynnu ku gaadhi karno guusha ee manala wadaagi kartaa?

W/Q: Maxamed Haybe Axmed.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...