M. Biixi Hoggaamin Aan La Mahadin! Qaybtii 3aad! WQ: Cabdinaasir Axmed Abraham
10. Dhaqan Madaxeed, Dul Madaxeed, Af Madaxeed Iyo Gacan Madaxeed Midna Qaranku Kuma Qabo M. Biixi!
Sida aad wada og tihiin waxa jira sifooyin wanaagsan oo qofkii talo
ummaddeed haya ee lagu arko ku ammaannan yahay ama lagu majiirto. Sida
oo kale, kuwa iyana kuwaa lidka ku ah oo ciddii lagu arko bar madaw ku
ah oo dadku kaga fiigaan iinna ku ah qofka caadiga ah madax na hadalkeed
ba daaye waxaana ka mid ah kuwa aan kor ku soo xusnay!
Saddexdan arrimood ee aan is-daba-dhigay mid walba maraggiisa iyo
markhaatigiisa ayaan ku lifaaqi si luugu qanci karo. Aan sidan u kala
horreysiiyo;
B. DHAQANKA MADAXEED
Dhaqannadii madaxweyneyaashii Somaliland u kala dambeeyay laga bartay,
gaar ahaan kuwii wanaagsanaa ee xasuusta reebay oo aan kuwan hoose
hogo-tusaale uga soo qaadan karno, waxa ka mid ahaa;
- XILKASNIMO IYO TUDHAALE; hoggaamiye kasta marxallado adag oo aayaha
dadka iyo dalka ba shucaac geliyay ayaa soo maray. Hasa yeeshee, xal u
helista mushkilaadkaa waxa sees u ahaa xilkasnimada iyo tudhaalaha
hoggaanka dalku la yimaaddo. Taasina waxa ay ka dhalataa dareenka
madaxnimo ee hadba hoggaanka laga arko. kaasi oo haddii uu gaadhsiisan
yahay heer uu dareemayo in ummadda oo dhan uu mas'uul ka yahay xil na ka
saaran yahay waxa dhacdooyinka siyaasiga ah laga arkaa dhaqankiisa
madaxnimo.
Hadda ba Madaxweyne Biixi markii uu mucaaridka ahaa iyo hadda oo uu
madaxweyne yahay wax farqi ah oo u dhexeeya ma jiro. Dareenka madaxnimo
qawl ahaan iyo ficil ahaan ba kama muuqdo.
Shacabkuna indhaha Madaxweyne Biixi waa u laba uun. Cid raacday oo
isaga la jirta iyo cid aan isaga raacin oo ka soo horjeedda!
- CAFISKA IYO CALLOOL FAYOOBAANTU DHAQAN UMA AHA M. BIIXI
Cafisku waa sifooyinka aadka u wanaagsan ee lagu guulayso waana wax aan
dadka badankoodu isku karin, shakhsiyaadka cafiska caadaystaa dadka way
ka tilmaaman yihiin. Aar-gudashadu maaha dhaqan madaxeed M. Biixi
aar-gudashadu waa u caado.
Maalin ninkii il-qalloocda ku eegay M. Biixi ma illaawin ma awoodo
sidii (AHN) Madaxweyne hore Maxamed Xaaji Ibraahim (Cigaal) iyo Axmed
Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) in uu xil u magacaabo kuwii ugu
xagxagashada xumaa ee dhibay. Taasi waa arrin ragannimo badan u baahane
haddii ciddii M. Biixi maalin hadal xanaf lehi dhex maray ay ka eed
la'aato buro ayay siddaa!
T. DUL MADAXEED
Xadhigga badan ayaa calaamad u ah damqashada iyo dul yaraanta M. Biixi.
Sida oo kale cabashada, gocoshada, tamashada iyo garnaqsiga uu had iyo
gooraale warbaahinta la taagan yahay ayaa ka marag ah baraq-nugaylka iyo
bayrtiisa. Wuxuu se illowsan yahay in ay madaxi tii la caayo tahay!
Cali Jaamac Haabiil (AHN) mar uu hoggaamiye Xirsi la odhan jiray ammaanayay meerisyadii dushiisa uu ku xusay waxa ka mid ahaa;
Gaadiid la dhaanshuu ahaa, gibil ma diidaane
Guraduu na wada saari jiray, goconeeyee mooyi.
J. AFKA MADAXEED
Tan iyo maalintii la doortay Madaxweyne Biixi maalin uma hadal si
madaxweyne. Habka asluubta badan ee madaxdu u hadasho ee sababta u noqdo
in la xiiseeyo oo aad loo dhegaysto waxa ugu mudan qodobbadan;
● In aan qofka madaxweynaha ahi xilli walba hadal oo aanu hadalkiisu
dadka ku badan taasi oo lumiso xiisaha loo qabo maqalka hadalkiisa.
● In hadalku in aanu dheeraan ee uu noqdo mid kooban oo duluc abbaar leh.
● In hadalku goortiisa iyo goobtiisa leeyahay, oo aanay jirin hal seegnimo iyo hogseegnimo labaduba.
● Wax qadaf ab oo xasaasiyadi ka dhalan karto in aan lugu arkin hadalka madaxweynaha.
● Hadal sogor-dohan oo aan qaawannayn .
HADDALLADII DEELQAAFKA AHAA EE M. BIIXI HAWADA MARIYAY WAY BADNAAYEENE BAL KUWAN WAX KU DAR.
Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa Af-xumo nabadna waa kaa kaxaysaa colaadna wax kaagama tarto.
" Reer Berbera dadka badda u dabbaal yimaad bay kabaha ka xadaan!" M. Biixi
"Awoowyaashiina waanu ka adkayn (Daarood), idinkana waanu idinka adkaanay, aabbayaashiina waanu ka adkaanay!" M. Biixi Cabdi
" Ogaadeenku dabaasha ma yaqaannaane ballay bay badda moodayaane yaanay liqine ka illaaliya" M. Biixi.
"Ayuub waa sodoh" M. Biixi
" Ciise iyo Samaroon nooma sinna!" M. Biixi
X. GACAN MADAXEED
Gacan gudhnaantu waxa ay ka mid tahay saddexda Soomaalidu sheegtay in
madaxnimadu eeddo. Gacanta irmaani waxa ay sababtaa in dadku hoggaanka
ku soo hirto oo lugu soo ururo, ag jooggiisana la jeclaado, taasi oo
haybadda madaxnimadana bisha.
Hadda ba gacan-gudhnaantu waa mid ka mid ah dhalliilaha ugu muuqa dheer ee M. Biixi.
Weli qof la kulmay oo isaga oo faraxsan ka soo baxay lama sheegin
madaxdii ka horreysayna qofka la kulmaa isaga ayaa wax bixinta askarta
irridda madaxtoonyada ka bilaabi jiray. Hadda garo oo wax isagu gaar u
leeyahay laga martiyi maayo'e qasnaddaa ummadda ee uu dul fadhiyo dadku
xaq bay u leeyihiin wixii Alle u qoray in ay ka qaadaan.
11. BALLAMIHII BAAQDAY EE M. BIIXI
December 24. 2017 oo ahayd maalintii xilka loo dhaarinayay, khudbaddii
madaxweyne Muuse Biixi Cabdi jeediyay iyo ballamo uu ummadda u qaaday
wixii ka qabsoomay, ayaan bartan idin kula wadaagi. Marka hore se
ballanqaadka sidii M. Biixi u dhigay ayaan u soo qaadan doonaa.
Kaddibna, waxa ka qabsoomay ayaan faalladayda raacin. Qodobbada ugu
muhiimsanna waxa ka mid ahaa;
☆ "Doorashadii Madaxtooyada iyo Xanafteedii:
Waxaan diyaar u ahay oo tallaabooyin keedii u horreeyeyna aan qaaday oo
haddana aan wadaa in wax allaale iyo wixii xanaf ka dhashay Doorashadii
Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay in aan bogsiiyo oo weliba aan
diyaar u ahay in aniga la igu jiifsado iyo xisbiga KULMIYE lagu jiifsado
oo walaalahayaga waxtirsanaya aannu bogsiino, iyagana waxa laga rabaa
walaalahayaga waxtirsanayaa inay garqaataan, wax baan kaa tirsanayaa
kuuna soo fadhiisan maayo innama kala qabato, dhaqana umaynu lahayn." M.
Biixi
" Xanaftii doorashada wax ka qabashadeeda iyada daaye, dab ayay
xukuumaddu ku sii hurisay oo meelo xilligaa madaxweynuhu khudbaddan
jeedinayay bed qabay ayuu hadda xannuunku ku fiday. Xisbiga Kulmiye oo
uu madaxweynuhu ballanqaaday in uu xataa haddii lagu jiifsado raali ka
noqon doono ayaa adyadda iyo xajiimaynta illaa hadda ku wada saraakiisha
ugu sarsarreysa ee xisbiga qaran ee Waddani. Waxaana ugu dambaysay in
Wasiirro xukuumadda ka mid ahi guddoomiye Cirro ku eedeeyeen in aanu
weligii May. 18. Maalintii Somaliland xorriyaddeeda dib ula soo noqotay
aanu munaasibaddeeda ka soo qayb gelin. Taasi oo aan heer wasiir ku
ekeyne Madaxweyne Biixi laftiisu munaasibaddii May. 18. 2019 uu fagaare
la soo istaagay, isla arrintan oo didinaysay xisbiga Waddani iyo
taageereyaashiisa ba. Soomaali gar waa loo wada Islaam ayay odhan jirtee
hadalkaa ka soo yeedhay Madaxweynaha iyo wasiirradiisa ma waxa ka
muuqata tanaasul iyo in ay ogolaansho in lagu jiifsado mise gardarro hor
leh?! " Cabdinaasir Axmed Abraham.
☆ "Qabyooyinka qarankeena waxa ka mid ah:
1. Shaqo la’aan
2. Saboolnimo
3. Sicir-barar
4. Riiqda abaaraha soo noq-noqday
5. Musuq-maasuq
6. Qabyaalad
7. Aqoonsi la’aan" M. Biixi.
" Xilli muddo xileedkii madaxweynaha laba sanno iyo dheeraad
dhammaadeen Toddobadan qodob ee uu ballanqaadkiisa ku xusay madaxweynuhu
iima muqdo horumar laga sameeyay.
○ Saboolnimada wax ka qabashadeeda xaggeeda ba looma dhaqaaqin ayaan ku dhaafi lahaa iyada.
○ Sixir-bararku meel walba uu taabtay intii xukuumaddani joogtayna
kobocii ugu weynaa ayuu sameeyay. Waxaana dhaqaala-yahannadu u aaneeyaan
go'aannadii cilmiga iyo caqliga aan midna ku dhisnayn ee xukuumaddu ku
soo rogtay shirkadaha lacagta maamulkeeda qaybta ku leh ee shaqada
bandiga haya. Bal haddaan is-weydiinno go'aankii dawladdu shaacisay ee
ahaa in aan wax ka yar $100 la isku diri karin Zaad ama E-dahab ahaan
muxuu shacabka taray ee aan waxyeello ahayn?!
○ Xagga musuqa haddaan qoollaalinno 18 hay'addood ayuu hanti-dhowrku ku
helay musuq-maasuq. Kuwaas oo aan wax tallaabo ah laga qaadin.
○ Adeegsiga qabyaaladdu cirka ayuu isku shareeray qaraabo kiilka
madaxweyne Biixi sameeyay ayaana sii kobciyay aragtidayda madaxa bannaan
sida ay ila tahay. " Cabdinaasir Axmed Abraham.
12. AQOON DARRO MAAMUL
Xirfadda maamulka ee madaxweyne Biixi waxa ka muuqata saboolnimo badan
inkasta oo hoggaaminta layliga ah aalaa ba dheel-dheelligu caado u
yahay, haddana calaaamadda ugu weyn ee farta ku fiiqaysa in madaxweynuhu
ku haftay hawlaha maamul ee dawladnimo waa in uunu maamul daadajin
samayn. Wax kastana in uu isagu qabto illaa heer wasaaraddeed.
La soco
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...