Urur Siyaasadeed Guryo Ukiraynaya Dadka Dagaalka Laascaanood Ka Qaxay
Hargaysa (HWN) Gudoomiyaha
urur siyaasadeedka Ogaal Rooda Cabdi Muuse ayaa sheegay in ururkeeda ay dadka
ka barakacay dagaalka ka socda Laascaanood ay ukiraynayaan guryo gaadhay 150
guri.
"Uruur siyaasadeedka Ogaal
wuxuu Burco ila Caynaba ka diyaarinayaa 150-guri oo dadkayaga reer Somaliland
ee Laascaanood ka qaxay la dajinaayo, Si loo tuso in ay dalkoodii u qaxeen,
halka Dalalka kalena lagaga kiraynaayo guryaha $1000 doller labadii qol.
Waana sunihii gobonimada Iyo xasuustii dhibatadii qaxii
nagu dhacaday ee aanu ka baranay.
Shaqadii Hayada dib u
dajinta iyo tii Barakacayaasha qaranka labadaas shaqoba Ogaal baa haysa.."
ayay tidhi Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Ogaal Rooda Cabdi Muuse.
Dagaalka Maalintiisii
sideedaad ka socga magaalada Laascaanood ayaa sababay khasaare balaadhan oo
iskugu jira Naf iyo moodba.
Sidoo kale waxa
dagaalkan ku bara kacay dad badan, kuwaasi oo ucararay deeganada ay nabadu ka
jirto.