Maxay yihiin waanooyinka kaa dhigaya guuleyste?

0
Sunday February 12, 2023 - 11:04:10 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 791
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay yihiin waanooyinka kaa dhigaya guuleyste?

    1. Waligaa ha is dhiibin!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1. Waligaa ha is dhiibin!



Marar badan ma aragtay in aad isku dayday , inaad qabsato wax dantaada ah, balse dadka ayaa wax ku odhan ma u joojisay? Tusaale, haddii adiga oo ah qof weyn ma ku tashatay inaad Quraanka barato. Marka aad la bilowday carruurtii yar yareyd.


Dhor jeer ma aragtay dadka kale oo ku leh: ma adiga oo weyn ayaad carruurta wax la dhigataa? Kaba darrane, adiga oo xaga hore ee ardayda fadhiya, ma lagu mooday barihii?

Ma u adkeysan kari weyday, hadallada bulshada kaaga soo dhacaya ee soo gaadhaya dhegahaaga? Dabadeed sidaa ma ku joojisay waxdhigashadii? Waxa la odhan karaa waad isdhiibtay . Waxa aad sidaa u yeeshayna waa dad kale; waa cabsi aad ka qabto dadka.

Arrinta la yaabka lihi waxa ay tahay, naftaadu wey jeclayd inay waxbarato, haddana ma jeclayn hadallada bulshada ee soo gaadhay. Tani waxa ay keenaysaa in adigii is-hirdido. Naftaadii ayaa laba dhinac ah oo geesaha Isla galaya.

Runtu waxa ay tahay inaad taqaanid ta kuu wanaagsan, balse waad isdhiibtay. Isdhiibidu wax kale maaha: waa guuldarradii baad isku dhiibtay. Guuldarradii baa u gacan gashay. Iyada ayaad ka mid noqonaysaa. Magacaagiina wuxuu noqday: Guuldarreyste!

Isdhiibida ka hor inta aanad ka gungaadhin shaygu waa sida ilmo caloosha ku jirey oo la soo riday ama la soo xaaqay, sabbtuna ay tahay iyada oo la ga baqayo in uu gaajo u dhiman doono haddii uu dhasho! Waa sida adiga oo ka baxsanaya hadhkaaga! Hadhkaaga ma carari kartaa?

Qoomamada isdhiibidu waa mid xanuun badan taasi oo dhaawac kugu haynaysa inta ka hadhay noloshaashada, iyada ay ugu wacan tahay in aanad arkaynba dhammaad ah.

Ileen shay kasta oo aad bilowdo, marka dhexda aad marinayso ayaad isdhiibtay oo aad ka tagtey. Macnuhu waxa weeyi bilowga waad aragtay, balse dhammaadkii maad arag! Maxa aad arki ma adiga ayaa ba sugay. Sowdigan cagaha wax ka dayay .

Aan ujeedada ku soo durkee, marka aan ku leeyahay maad arkin dhammaadka, waxa aan uga jeedaa maad gaadhin natiijadii. Maad arkin natiijadii ileen marka waxa aad dooneysid inaad ka ku guuleysato ee aad u dhabar-adaygto ayaa midhihiisa la arka. Macnuhu dhammaadkii waad aragtay weeyi.

Wax kasta oo aad u gacan qaado, waad ku guuldarraysatay. Waxa aad aragtay adiga oo meel cidlo ah maraya. Dadku waxa ay kuugu yeedhayaan: kani waa faashil, kani waxba ma yaqaan, waa sidan iyo sidaa.. waa ceynkan iyo ceynkaa ...

Horta waxa aad ogataa in noloshu isaga samaysan tahay dhibaato. Dabeecadeeda ayaa ah carqallad, hungow iyo kacaakuf. Sidaa awgeed, waa inaad noqotaa mid adkeysi leh.

Haddii aad shay ku guuldarraysato , waa inaad mar kale isku daydaa ; haddii aad haddana aad dhulka ku dhacdo, waa in aad kacda. Waa inaad boodhka iska tuntaa oo aad halkaa hore uga sii socotaa ilaa aad soo taabatid halkii aad doonaysay.

Waligaa ha quusan. Waligaa ha isdhiibin. Noloshu waa adayg iyo halgan umana baahna qof jilicsan. Ma jirto wax iska fudud oo la helaa.

Guuleyste kasta intaas oo caqabadood ayuu ka soo dul boodaa. Kii aan isdhiibin oo kaliya ayaa guuleysta. Ka aan quusan ayaa guusha ku dambeeyay.
Waligaa ha isdhiibin hadda waa waligaa!

2. Aamin naftaada
Waan ogahay inaad marar badan maqashay tan: aamin naftaada. Taas macnaheedu waa mid jirta oo run ah.
Aamminida nafteydu waxa ay macnaheedu tahay ku-kalsoonaanta kartidaada. Taasi waxa ay inoo tilmaamaysaa in haddii aad ku fikirto inaad wax qaban karto oo aad maanka galiso aad awood u yeelanayso qabashadiisa.

Waad ka gudbi kartaa kalsooni la'aanta nafta, waxa aanad yeelan kartaa kalsooni aad tallaabo ku qaadi karto oo aad wax kasta ku qaban karto: marka aamminsan tahay naftaada.

Noloshu malaha xuduudo, marka laga reebo kuwa adigu samaysatay. Waligaa naftaada ha barbardhigin cid kale, marka laga reebo noloshaadii hore. Waa in aad isweydiisaa, maxaa kuu kordhay? Gu'gii tagay iyo kan maanta, maxaa naftaada u kordhay?

Ogow, kalsoonidu waa shayga ugu muhiimsan ee aasaasiga u ah guusha.

Mohamed Haybe


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...