Goloha Guurtida Oo Maanta Yeelanaya Fadhi Albaabadu Uxidhanyihiin & Sababta

0
Sunday February 12, 2023 - 10:13:04 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1295
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Goloha Guurtida Oo Maanta Yeelanaya Fadhi Albaabadu Uxidhanyihiin & Sababta

    "Golaha Guurtida ayaa shacabku tabayaan doorkii uu kulahaanjiray xalinta khilaafyada"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Golaha Guurtida ayaa shacabku tabayaan doorkii uu kulahaanjiray xalinta khilaafyada"



Hargaysa (HWN) Golaha guurtida Somaliland ayaa maanta leh kulan albaabadu u xidhan yihiin. Waxa la filayaa in ayka arrinsadaan dagaalka Laascaanood oo maalintiisii lixaad manta galay.

 

Fadhiggan ayaa yimid markii xildhibaannadu culays ku saareen guddoomiye Saleebaan in Goluhu gaar u wada hadlo markii bulshadu si weyn isu waydiisay doorkii Guurtidu ku lahayd nabadda dalka.

 

Golaha Guurtida ayaa shacabku tabayaan doorkii  uu kulahaanjiray xalinta khilaafyada, iyadoo siwayn looxasuusto khilaafaad badan oo Somaliland soomaray oo ay ku guulaysteen damintooda.

 

Ilaa imika simiisaan leh ugamay hadal gudina umaydirin xaalada colaadeed oo muddada tobaadka ku dhaw haatan ka socota Laascaanood, taasi oo ay ku bara kaceen shacab tiro badan.


Loading...
Loading...