Xaaladda Laascaanood xal ma loo heli karaa?

0
Saturday February 11, 2023 - 10:49:39 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1241
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Xaaladda Laascaanood xal ma loo heli karaa?

    Muxuu salka ka hayaa khilaafka kasoo cusboonaaday Laascaanood?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muxuu salka ka hayaa khilaafka kasoo cusboonaaday Laascaanood?

Hordhac

Waxaan rajaynayaa in su’aashani maanta ay ka guuxayso maanka dad badan oo reer Somaliland ah. Waxay is-weydiinayaan dhibaatada ka taagan Laascaanood halka ay salka ku hayso iyo sida xal loogu heli karo arrintan u muuqata mid faraha ka baxday. Waxa kale oo iyana ay dad badani isa su’aalayaan shaqaaqada ka taagan Laascaanood saamaynta ay ku yeelan karto mustaqbalka iyo jiritaanka Somaliland. Qormadaydan waxaan kaga jawaabi doonaa su’aalahan dad badan oo reer Somaliland ah maankooda ka guuxaya maanta.

Afeef

Inta aanan guda galin ka jawaabista su’aalahan oon aanan aragtidada idinla wadaagin, waxa habboon inaad ogaataan dhinaca aan kasoo jeedo iyo halka ay ku qotonto aragtidayda iyo afkaartaydu. Soomaalida waxa fikirkooda inta badan hadheeya caadifadda iyo taageerada indho la’aanta ah ee ay ku taageeraan koox gaara ama qabiil gaara. Aniga aragtidaydu waa mid dhexdhexaada oo xaaladda taagan ku eegaysa waaqaca iyo tabashooyinka dhinacyada muransan. Qabiil ahaan, waxaan kasoo jeedaa beesha dhexe ee Isaaq oo ah dadka inta badan taageersan qadiyadda gooni-isu-taagga Somaliland. Marka laga hadlayo midnimo iyo madaxbannaanina, anigu midna anoon taageerayn waxaan aaminsanahay in la adeegsado caqliga iyo aqoonta, sidoo kalena la yeesho aragti-fog, lagana fogaado aragtiyaha iyo siyaasadda caadifadaysan.

Intaa marka aan kasoo tago, aan isku dayo haddaba inaan ka jawaabo su’aalihii aan kusoo qaatay hordhaca qormadan. Aan ugu horreysiiyo halka uu salka ku hayo khilaafkan hadda ka taagan Laascaanood iyo meesha uu ku qotomo.

Muxuu salka ka hayaa khilaafka kasoo cusboonaaday Laascaanood?

Dad badani waxay fikirro kala duwan ka qabaan halka uu salka ku hayo khilaafka Laascaanood ee keenay kacdoonka shacabka, markii danbena isu bedelay dagaalka gacan ka hadalka ah ee sababay khasaaraha isugu jira naft iyo maalka. Dhinaca Soomaaliland marka la eego, xukuumadda iyo dad badan oo waxgarad sheegtaa waxa ay ku saleeyeen in khilaafkaasi uu yahay mid la qorsheeyay oo gacan shisheeye ku lug-leedahay. Waxay dad badani aaminsanyihiin in gadoodkani uu ka yimi dilalkii qorshaysnaa ee ka dhacayay Laascaanood sanadihii u danbeeyay, iyadoo Somaliland-na dilalkaas waxba ka qaban weyday, ugu danbayntii cadho ururtay ay meesha ka qaraxday oo dadkii deegaanku kaceen. Somaliland waxa kale oo ay ku andocoonaysaa in kooxaha argigixisada ahi ay ka danbeeyeen dilalkaas si ay isugu dhuftaan xukuumadda iyo shacabka, ilaa hadda ay ku lug leeyihiin dagaalka ka socda Laascaanood.

Dhinaca kale marka la eego, dadka reer Laascaanood iyo shacabka deegaanku waxay ku andacoodeen in Somaliland ay ka danbaysay dilalkaas, imikana aan loo dulqaadan karin, dadka deegaankuna aanay doonayn ka mid-noqoshada Somaliland iyo qadiyaddooda ay ku doonayaan in lagu kala gooyo dalka Soomaaliya.

Labadan aragtiyood ee labada dhinac kala qabaan midkee haddaba xaqiiqada u dhow? Su’aashan oo si caqliyaysan looga jawaabaa waxay ina siinaysaa muuqaalka khilaafka iyo halka uu salka ku hayo. Anigu waxaan qabaa aragti ahaan, in dareenka shacabka ee reer Laascaanood uu yahay midka asalka u ah khilaafka. Dadka deegaanku weligoodba waxay kasoo horjeedeen qadiyadda gooni-isu-taagga Somaliland, imikana waxay muujiyeen dareenkoodii dhabta ahaa. Waxay qaateen calankii buluugga ahaa, waxaanay leeyihiin annaga ayaa aayahayaga ka tashanayna, Somaliland-na waa inay faraha naga qaaddo.

Qadiyadda gooni-isu-taagga Somaliland, waxa hubaala inay ahayd mid ka soo maaxatay maanka beesha dhexe ee Isaaq. Beelaha darafyadu marnaba beesha dhexe kumay waafaqsanayn goosashada, balse waxa ay doorbidayeen inay helaan nabad. Shirarkii nabadaynta Somaliland beelihii ka qayb-galayna waxay inta badan doorbidayeen nabadda iyo negaadiga.

Qadiyadda gooni-isu-taagga marka laga hadlayo, waa masiir shacab, manaha waxay go’aan ka gaadhi karaan reer ama qabiil keli ahi. Waxa u baahan markaa in la fahmo, in doonista shacabka beelaha darafyada aan looga qiyaas qaadan karin shaqsiyaadka ama dadka gaarka ah ee dawladda ka mushahar qaata ee isugu jira xubnaha ka tirsan golayaasha iyo xukuumadda. Aragtida ay beelaha darafyadu ka aaminsan yihiin goosashada Somaliland, waxa laga helayaa shacabka iyo indheergaradka bulshada. Marka ay dadkaasi kacaanna waxay soo bandhigayaan aragtidooda siyaasiga ah.

Haddii aan soo koobo, khilaafkan waxa sababtiisu tahay dadka shacabka oon ogolayn siyaasadda Somalilad iyo maamulkeeda ku doodaya inay ka go’aan Soomaaliya. Waxay doonayaan inay iyagu ka tashadaan aayohooda, kana qayb ahaadaan Soomaliya mid ah. Somaliland iyana dhinaceeda middan ma ogola oo waxay ka xigtaa dhimasho. Marka halkaas la taagan yahay, waxaan is-weydiin karnaa waxa uu xalku noqon karo,haddiiba uu jiro.

Xal maloo heli karaa murankan hadda ka taagan Laascaanood?

Dad badani waxay haddaba is-weydiinayaan suurtagalnimada in xal loo heli karo xaaladda Laascaanood. Dabcan, murankasta iyo khilaafkasta oo dad dhex yaalla waa loo heli karaa xal. Laakiin taasi waxay suurtoobaysaa oo keliya marka loo noqdo waaqaca ee runta la isu sheego, dhinacyada is-hayna qolo waliba garawsato qaladkeeda.

Dad badan oo ay ugu horreeyaan xubno ka tirsan xisbiyada mucaaradka Somaliland, waxay ku baaqaan in xalka Laascaanood uu ku jiro Muuse Biixi oo ka dega xilka ama qabta doorashadii madaxtooyada. Arrintani waa waxba kama jiraan. Reer Laascaanood waxay ku leeyihiin waxba nagama quseeyaan doorashadaada iyo cidda xilka haysa toona. Waxay leeyihiin Somaliland ma rabno, markaa wax macno ah iyaga u samayn mayso joogitaanka ama beddelitaanka cidda hadda xilka haysa!

Shacabka reer Laascaanood waxay leeyihiin Somaliland ma rabno, dalka in laga go’ana ma rabno, halka Somaliland-na ay leedahay Laascaanood waxay ka tirsantahay Somaliland. Reer Laascnood in la furo wada-hadal nabadeed waxay shuruud uga dhigayaan in meesha laga saaro qadiyadda gooni-isu-taagga. Laakiin Somaliland middaas ma oggolaan kartaa?

Si kastaba ha ahaatee, xalka keliya ee meesha ka muuqdaa waxa weeyi imika in Somaliland ciidamaddeeda ay kasoo saarto aagga Laascaanood. Taasi waa tallaabada koobaad. Tallaabada labaad waxay noqonaysaa in marka dagaalku joogsado, Somaliland ay furto gogol nabadeed oo ah aayo ka tashi ay ka wada qayb-qaataan bulshada degta Somaliland oo dhammi.

Markaan leeyahay sidan, uma jeedo in laga wada-hadlo oo keliya sidii wax lagu qayabsan lahaa ama lagu heshiin lahaa, balse waxaan uga jeedaa in gebi ahaanba dib-u-eegis lagu sameeyo qadiyadda masiiriga ah ee gooni-isu-taagga Somaliland. Waa in si furan looga doodo meesha ay danto ku jirto, iyada oo lala tashanayo aqoonyahanka, indheer-garadka iyo qaybaha kala duwan ee shacabka. Haddii la helo Somaliland loo wada dhanyahay, waxa jiri doona mustaqbal iyo aragti laga midaysan yahay, haddii kalena waa in la ogaado inaan reer keli ahi noqon karin dawlad madax-bannaan. Tani waxay inagusoo dhoweynaysaa su’aasheenna saddexaad oo khusaysa sida ay xaaladda Laascaanood u saamayn karto mustaqbalka Somaliland.

Xaaladda Laascaanood sidee ayay u saamayn kartaa mustaqbalka Somaliland?

Dabcan, reer Somaliland waxay maanta ka fikirayaan sida khilaafka ka taagan Laascaanood uu u saamayn karo mustaqbalka Somaliland? Somaliland mustaqbalkeedu waxa uu ku xidhan yahay jiritaanka Somaliland loo wada dhan yahay oo meel loogasoo wada jeedo. Haddii beelaha darafyada lagu qancin kari waayo ka mid noqoshada Somaliland iyo aqbalitaanka qadiyadda gooni-isu-taagga, waxa hubaala inaanay jiraynin Somaliland ku kooban beesha dhexe oo keliya.

Laascaanood haddii ay maanta faraha ka baxdo, waxa hubaala in gobollo kalena ku dayn doonaan. Si markaa looga hortago arrimahan, waa in Somaliland ku baaqdo shir-nabadeed iyo aayo-ka-tashi loo wada dhan yahay.

Waxaad sawirataa sanadaha soo socda iyadoo dawladda Federaalka Soomaaliya ka adkaata al-Shabaab isla markaana hesha xasillooni, nabad iyo dhaqaale. Waxa markaas fududaan doonta in si fudud ay uga takhalusi karto Somaliland qaybsan oon isku aragti ahayn. Waxa dhici doonta iyadoon la isla baryayn in Xamar dib loogu laabto. Haddaba, inta aan marxaladdaas la gaadhin, imikay talo joogtaayee ha la is-daba qabateeyo. Caqligu ha taliyo oo yaanay caadifaddu talinin.

Gunaanad

Ugu danbayntii, waxa muhiima in la ogaado in siyaasadda ku dhisan reeraysiga iyo qabyaaladd aan laga gaadhayn wax natiijo ah oo wanaagsan. Isaaq dawlad ma noqon karo, sidoo kale Dhulbahante ama reer kale toona dawlad ma noqon karo. Dawlad waxa noqon kara dad isu tegay oo ku midaysan qaranimo iyo danta guud ee ummadda oo nabaddu ugu horrayso. Dunidan casriga ah ee maanta noqotay gobolka keliya, sida keliya ee loogu dhex noolaan karaa waa in si wada jira looga fikiro danta guud.

Xukuumadda Somaliland waxa laga rabaa inay kasoo baxdo doorkeeda oo ay la timaaddo geesinimo iyo aragti dheer. Laascaanood ood maanta ku dagaallanto wax natiijo ah laga gaadhi maayo. Waxaan filayaa in wakhtigii dadka dega darafyada Somaliland lagu qancin lahaa Somaliland la wada leeyay ay dhammaatay, hase ahaatee weli waxa jira jaanis la isku-daba qabatayn karo, haddii xukuumadda ka talisa Somaliland ay caqli fayow ku eegto waaqaca iyo waayaha jira.

Arrintan maaha mid u taalla xukuumad keliya ama koox keliya, balse waa arrin ka bilaabanta shaqsiyaadka. Adigaaga qormadan akhrinayaa iska bilow shaqsi ahaan. Waxaad is-weydiisaa danta kuugu jirta reerkaaga ama ninka ku xiga ood qabyaalad ku taageerto. Waxa hubaala in reerka aad ka tirsantahay maanta aanu noloshaada waxba ku kordhin karin. Qabiilkaagu kuma siin karo waxbarsho, kuma siin karo caafimaad, kuma siin karo biyo nadiifa, kuma siin karo tamar, kuma siin karo aqoonsi iyo sharci aad dunida ugu socdaasho, sidoo kalena kaama difaaci karo cadawga shisheeye. Ku abtirsashada qabiilku ha ahaato oo keliya mid ku kooban in la isku aqoonsado, balse yaanay noqon mid inaga hor-istaagta danteenna guud iyo sidii aan maanta dunida wax ula qaybsan lahayn oon u noqon lahayn dad jira.



WlQ: Jaamac Kayse ([email protected])


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...