Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Xabad Joojinta Xukuumadu Ku Dhawaaqday
"waxaanu diyaar u yahay in uu ka qayb qaato nabadda"
Hargaysa (HWN) Guddoomiyaha
Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali X Xasan ayaa soo dhaweeyay xabad joojinta
xukuumada Muuse kaga dhawaaqday Gobolka Sool.
Sidoo kale Gudoomiye
Xirsi ayaa sheegay inay diyaar uyihiin wada hadal ay iskugu yimaadaan labada dhinac.
"Xisbiga Waddani wuxuu
soo dhaweynayaa xabbad-joojinta ay xukuumadda Somaliland ku dhawaaqday.
Mar labaad, Xisbiga
Waddani wuxuu ku celinayaa oo uu dirayaa baaq nabadeed iyo in wadahadal ay
labada dhinac miiska isugu yimaaddaan, waxaanu diyaar u yahay in uu ka qayb
qaato nabadda iyo wadahadalka xalka lagaga gaadhayo shiqaaqada Laascaanood.” Ayuu
yidhi Xirsi.
Loading...
Loading...