Kulmiye Oo Ku Baaqay In Talaabo Laga Qaado Qaar Kamid Ah Culumada & Sababta

0
Friday February 10, 2023 - 19:55:46 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3041
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulmiye Oo Ku Baaqay In Talaabo Laga Qaado Qaar Kamid Ah Culumada & Sababta

    "Arinka laascaanood wuu dhamaan dad badan oo uga fàa'iidaysanaya dano gaara way fashiilmi"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Arinka laascaanood wuu dhamaan dad badan oo uga fàa'iidaysanaya dano gaara way fashiilmi"



Hargaysa (HWN) Xisbiga Kulmiye ayaa wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland ugu baaqay in ay talaabo ka qaado qaar kamida culimada masaajidada khudbadaha ka gasha oo uu sheegay in qaarkood ay faafinayaan fikiro diinta Islaamka ka soo hor jeeda.

 

Xoghayaha abaabulka Xisbiga Kulmiye heekh Saleebaan ayaa sidani sheegay:-

 

"Wasaarada Diinta iyo Awqaafta waxaa laga rabaa in  dib u eegid ku samayso dadka khudbadaha masajidada ka akhrinya si loo ogaado dadka masajida ku dhex faafinaya fikirada diinta Islaamka ka soo hor jeeda gudaha somaliland dadkaa ama culimada aan saxda ahayn waxaa la ogadaa xiliga dalka meelo ka mida nabad galayo daro ka jirto.

 

sidaa darteed culimada saxda ahna waxan ugu Baqayaa inay daganaasha iyo xasiloonida ka qayn qaataan iyo sidii ay umada ugu wacyi galin lahayeen  Nabadgalyada iyo xasiloonidu muhiimada ay  leeday.  iyo inay Dawlada la wadaagaan kuwa fikirada khaldan  ku dhexe faa’iinya dalka.

 

Arinka laascaanood wuu dhamaan dad badan oo uga fàa’iidaysanaya dano gaara way fashiilmi doonaan waana laba Qaybood, mid aan muwadin nimo eegayn ee mucaridada uga faa’iidaysanaya Iyo qolo dalka soo gali kari wayday oo fikirkoodii Argagagixisonimo uga faa’iidaysanaysa xasilooni darada." Ayuu yidhi Sheekh Saleebaan.

 

 


Loading...
Loading...