Toloow sida ciyaalkeena maanta wax ugu sheegnaa oo dagaalkan socda ugu sharaxnaa?

0
Thursday February 09, 2023 - 16:32:19 in Articles by
  • Visits: 1045
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Toloow sida ciyaalkeena maanta wax ugu sheegnaa oo dagaalkan socda ugu sharaxnaa?

    Wexe u sameeyeen kaamka dhexdiisa school

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wexe u sameeyeen kaamka dhexdiisa school


Sodan sano ka hor markey tariikhdu eheed 1993 waxaanu ku jirnay kaam xaqootiya oo wadamada qurbaha ah. Waxaan jiray 10 sano oo kaamkana waxa ku jirnay sanad oo dadka ugu badnaa ku jirtay wexe u badnaayeen Somali oo iskugu jirta qolo iyo qabiil kasta. Kaam kaasi aad bee ugu dadaleen nimankaa aanu u qaxnay iney ciyaalka nolol fiican ku siiyaan oo iloowsiiyaan dhibta soo mareen iyo nolosha adage xaqootinimada. 



Wexe u sameeyeen kaamka dhexdiisa school school caadiya oo leh wixii qalab iyo buugaag ee schoolada wadankaas yaala, oo macalimiintii cadaana oo wadankaas ayaa wax noogu dhigi jirtay, waxanu leheen garoon kubada ku ciyaarno, meel tennis aanu ku ciyaarno, maktabad buugaagta ka qadano, ila maaweelinta ciyaalka iyo dhalinyarada qof baa u qaabilsanaa oo marba program u sameyn jirnay. In kastoo ciyaalka somalida markasta foodo, buuq iyo isqabqabsi laga waayeenin, badanka isla maalinta ku xigta waanu heshiin jirnay oo iska iloowi jirnay, oo badanka meel farxad badan eheed oo na iloowsiin jirtay dhibtii ka socotay wadanka kasoo wada qaxnay ee Somaaliya iyo nolosha xaqootinimo oo ah mid aan aanad ogeyn Meesha u socotid oo degi doontid iyo ina la heliyo sharci ina lagu qaabilay.


Farxadaas aanu ku jirnay, maalin kamid ah maalimaha ayee isbadashay. Maalintaas waan xasuustaa wexe eheed biloowgii sanadka 1993, gabar Somaliyad ah oo kaamka ku wada jirnay oo hooyaday isku dhawayeen ayaa aniga iyo walaashay oo dhex marina kaamka aye noo yeedhay aniga iyo walaashay. Marka aanu u tagtay aye nagu tidhi maanta, ma ogtihiin reer hebel iyo reer hebel iney dagaal galeen. Toos umaanu fahmin warkan ee noo sheegiso, oo wali markaa maanu baran qabiilada ila ka anagu nahay oo cidna namee barin. Markey aragtay in aanu fahmi weenay ayee warka noo jilcisay, oo nagu tidhi ina "qoladii aabihiin iyo qoladii hoyadiin ayaa isdilay oo wa lagu wada baabay”. Markey sida u dhigtay ayaanu wax fahanay, oo naxdintii ee rabtay na gashay iyo oohin istaag leheed waana sidey rabtay iney naga nixiso oo la qeybsato dareenka galay yada oo ahaa mid naxdin ah.


Aniga iyo walaashay oo ooyinaa ayaanu hooyaday u orodnay, oo u sheegnay iney islaantii ‘Farxiya’ noo sheegtay "qolodii abaheen iyo hooyadeen isdileen”. Hooyo markey fahantay waxa naga nixiyay oo naga oohiyay, ayee nagu tidhi, waa beenteed ‘Farxiya’ ha dhageysanina, wee waalantahay oo wee idin waalisaa. Hooyo ilaahay kheyr ha siiyo waligeed wee naga ilaalin jirtay ina kala barano qabiil, dagaal iyo dhibtii Somalida ka dhex taagneed, oo niyadayada iyo qalbiyaga saafiga ah ayee ka ilaalinisay ina mugdigii, khalkhalka iyo murugadii dagalada, qabyaladii iyo dhibatadii Somalida wada heysatay na gasho, oo na sameyso. Kadib markey sida noogu sheegtay, waa farxay oo warkaas waa qaatay oo farintaa wee igu socotay, oo naxdintii wee iga saartay, oo waxa u qaatay iney ‘Farxiya’ na waaliso oo farxadayada naga jiidhiso. Kadib cadho darteed ayaa ‘Farxiya’ maalintaa kadib u bixiyay ‘Farxiyaal Waal’, Ila maanta sodon sano kadib ‘Farxiya’ xidhiidh ayaanu leenahay, oo wali waxa xasuustaa iney farxadayada naga jiidhay maalintaas.


Waxa sheekadaa kusoo xasuustay 30 sano kadib, dagaalkan Lascanood oo aan isweydiiyay toloow sida ciyaalka Somaliyeed maanta wax ugu sheegnaa, sidaa ciyaalka jooga Lascanood, kuwa maanta xafadoodi ka qaxay iyo kuwa qolada abahood iyo hoyadood dagaalka ku jiraan, wax ugu sheegi leheen ama wax ugu sharxi leheen. Ma runta ayaa u sheegnaa oo galin karta naxdin, murugo iyo cuqdad sidii ‘Farxiyaa waal’ no galisay, mise waa dafirnaa oo wa ka qarinaa sidey hooyadeey barigaa sameysay. Inkastoo maanta ciyaal waxba laga qarin kareyn oo baraha bulshada (social media) warkasta, been iyo waali kasta xagaa ka helaan oo anagu nasiib wanaag ka magan galnay 30 sano ka hor. Toloow sida ciyaalkeena maanta wax ugu sheegnaa oo dagaalkan socda ugu sharaxnaa?


Uma maleyniyo ina dagaalkan maanta socda ciyaalka loo sharaxi karo iyo wuxu ku saabsan yahayba, yada oo farxadooda ciyaalnimo laga jiidheynin oo qalbigooda saafiga wax la yeeleynin. Waana nasiib daro ina 40 sano kadib iyo intaas oo jiilaal dhibtey so mareyn, ina maanta waxba aanu ka baran tariikhda hore nasoo martay oo wali jiilasha cusub xaalkoodi, farxadoodi iyo mustaqbalkoodi aanu burbur ku heyno.

Jamac Abdi ‘Faahiye’

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...