Biixi, Kaahin Iyo Suleiman Gaal Ayaa Ka Masuula Waxaa Laascaanood Iyo Wadanka Ka Dhacaya.

0
Thursday February 09, 2023 - 11:23:20 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 2099
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Biixi, Kaahin Iyo Suleiman Gaal Ayaa Ka Masuula Waxaa Laascaanood Iyo Wadanka Ka Dhacaya.

    Muse Intay Goori Goortay Ha Is Casilo Isagiyo Suleiman Ba.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muse Intay Goori Goortay Ha Is Casilo Isagiyo Suleiman Ba.



Hubaal burburka Somaliland wuxuu soo BILAWDAY 2017kii markuu Xisbiga Kulmiye Doorashadii boobay. Wax walba qasab iyo Distoor jebin baa lagu bilaabay, waxaa GOAAN kudlad group ahi ku tashadeen inay Institutions DAWLADDA isku kooban si sharci a aan cidi ugaga guulaysan. Macquul may ahayn in Wadan yidhi wadan baan ka goay oo Ictiraafo baan doonayaa haddana waxaan ka hirgelinayaa in 2 qolo miiska soo saaraan anaga Mooyee Cid Kale Talada Wadanka Ma Geydo Waa Laba Arimood Oon Isqabanayn Duniduna Arkayso, Halkaas Baa Ictiraafkii God Uu Kulmiye Ku Riday, 



So. Aliyana Inagaga Guulaysatay. Xukuumaddiiisa Siilaanyo Qaatee Qaado Buu Ahaa Dhaqaalaha Wadanku, Sharci Dejinta Feedh Iyo Dagaal Qaawan Iyo Mooshin SayLacag Lagu Kala Qaato Ayuu Ahaa, Doorashadii 2017kii Ayaa Ay Kasii Dartay, Muse Biixi Gabadhii Amina Weris Waxay Ku Keentay Mexlel (Guddomiye, Murashanimo Iyo Madaxweyne Nimo).


 

Burburka Maanta Laascaanood Ku Gebageboobayaa Muddo Dheer Buu Soo Jiitamayey. Muse Iyo Ina Kaahin Iyo Suleiman Gaal Boobkii Iyo Distoor Jebintii Way Sii Laba Kacleeyeen Oo Iyagu Iyagu Waxayba Ku Dhaqaaqeen Xisbiyo Ma Jiraan Doorasho Ma Jirto Iyo Been Qaawan Ummadda Lagu Wareeriyo. Waxay Ku Dhaqaaqeen Garxajis Waa Alshabaab Berri Ha La Toogto Wixii Mudharaad Bilaaba Cirro Ayaa Tuugo

 Shabeelada Hoose Ka Keenay Oo Soo Geliyey Waa Caruurtii Reer Hargeysa, Maalintaa Muse, KaahinIyo Suleiman Gaal halkaa waxaa ku caddaatay inay seddexdaa nin DHIIGYA CAB YIHIIN, Gobolada Wadankoo Dhan Markaasaa Qalbiga Dawladnimo Ka Baxday.


Afka waxay soo mariyeen Hartiyaw waxayagaa cuntaane is wada raaco Naga Baxa, Naga Baxada Khaadtumo Ku Leeday Xukuumadda Muse Dhulbahante Ma Bilaabin Ee Xukuumadda Muse, Ina Kaahin, Taani Iyo Suleiman Gaal Ayaa Naga Baxada Ku Horaysay.


 

Garaadada Haddii Haddii Dhaqan Loo Diri Lahaa Oo La Odhan Lahaa ' Waar - Tolaw Colka Jooja' Luqadaasay Fahmi Laayeen Laakiin Military Maneuver Iyo Hub Tus Baa Loo La Tegay Hubaal In Dagaal Sool Ka Dhaco Muse Biixi Siyaasadiisii Xumayd Buu Ka Leeyahay Kol Haddii Dagaal Kii Bilawday A Garaadada Farahoodii Wuu Ka Baxay, Jabhad Baa Laga Guulaystaa Laakiin Weligeed Kacdoon Shacab Lagama Guulaysto.


 

Muse Intay Goori Goortay Ha Is Casilo Isagiyo Suleiman Ba.


 

M BASHE

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...