Xildhiban Mahad Salaad Oo Ka Hadlay War-saxaafadeed Ka Soo Baxay Wasaarada Arimaha Gudaha Somalia.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay soo saartay War-saxaafadeed ay uga hadashay in ay xiligeeda ku dhaceyso doorashada Galmudug,iyada oo ku baaqday shir dib u heshiisiin ah,waxaana qoraalkaas ka horyimid Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in Maamulka Galmudug uu yahay mid leh Dastuur, islamarkaana aysan faragelin karin dowladda Federaalka Soomaaliya.
"Galmudug waa dowlad goboleed dhisan oo leh dastuur u gaar ah, madax la doortay iyo maamul lagu heshiiyay. Sidaas daraadeed, Wasaarada Arimaha Gudaha door toos ah iyo mid dadban midna kuma lahan faragelinta doorashooyinka dowlad goboleedyada. War Saxaafadeedka xalay saqdii dhaxe kasoo baxayna malahan wax sal sharci ah oo la daliishado” ayuu yidhi Xildhibaan Mahad Salad.
War-saxaafadeedkii xalay kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya weli dhankooda wax jawaab ah kama bixin Madaxda ugu sareeysa Dowlad Goboleedka Galmudug.
Waxaana lagu wadaa inay jawaab ka bixin doonaan siday u arkaan warkan ka soo baxay Wasaarada.