Cali Guray Oo Taageeray In Ciidamada Somaliland Ka Baxaay Laascaanood
Hargaysa (HWN) Siyaasi
Cali Guray oo kamid ah siyaasiyiinta Somaliland ayaa taageeray hadalka Garaad
Jaamac Garaad ismaaciil ee ah in ciidamada Somaliland ka baxaan lasscaanood.
Siyaasiga ayaa qoraal
uu baahiyay oo uu kaga hadlayo xaalada Laascaanood kuyidhi:-
"Wallee Lama Yaabo. Nin
Faras Dabadii Ka Degay Wax U Dhaamuu Waayay. Samahii Garaad Jaamac Garaad
Ismaciil Waday Iyo Taloxumada Muuse Biixi Waa Maan Barray iyo Maan Bilaal.
Garaadku Hadii Uu Diiday In Magaalada Dhexdeeda Ciidanka Qaranku Ku Dhex
Dagaalamo Oo Madaafiic Lagu Garaaco Anigu Qalad Uma Arko. Oo Kumaa Ogolaan
Lahaa? Anigu Sax Baan U Arkaa
Dhinaca Kale Wararka
Inaga Soo Gaadhaya Laaska Waxan U arkaa
In Taloxumo Badani Ay Jirto Xataa Xagga Hawlgalada Ciidanka.Taasi Ayaa Sababi
Karta In Khasaaruhu Bato. Lama Garanayo In Dagaalka Ay Wasiiro Hogaaminayaan
Iyo Midnimotalis (Unity of Command) Ay Jirto Iyo In Arinku Jaantaa Rogan Yahay
Oo Aan La Kala Garanayn KEEBAA KEE AH (who is who) .
Siyaasadda Dagaalka
Hogaaminaysana Ku Dhehoo Wax Aan Fahmi Karo Maaha. Gudoomiyaha Wakiilada Mudane
Cabdirazaaq Khaliif Iyo Madaxwaynuhu Horta Ma Wada Socdaan? Madaxwaynuhu Marna
Xidhiidh Ma La Sameeyay Garaad Jaamac Garaad Ismaciil Intii Uu Keligii
Dhextaagnaa Laascaanood Ee Wed Lahaa Kuwii Ku Soo Duulay.”