Madaxda Soomaalida Miyay Ka Cabsadeen Inay Ka Tacsiyeyaan Geerida Maxamed Morsi?
Morsi oo lixdii sano ee la soo dhaafay ku jiray xabsi ayaa ilaa iyo haatan waxa dhimashadiisa ka tacsiyeeyay oo kaliya dalalka Turkiga iyo Qatar.
Inkastoo shacabka Soomaalida ee adeegsada baraha bulshada ay aad uga hadleen dhimashada Morsi, kana tacsiyeyeen ayaa haddana waxay dadka qaar isweydiinayaan sababta ilaa iyo haatan aysan dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti aysan uga hadlin arrinkan.
Walow aanan la garaneyn sababta ayaa haddana dadka qaar ee darsa arrimaha geeska Afrika waxay qabaan in haddii ay ka hadlaan tacsidiisa ay walaac horleh ku keeni karto dalalkaas.
"Labada dowladood waxay xiriir dhow la leeyihiin Dowlada Masar, ma doonayaan in xiriirkaas uu dhaawac soo gaaro haduu tacsi u diraan geeridii Mursi."sidaas waxaa BBC-da u sheegay Ciid Badel.
Wuxuu intaa raaciyay in dad badan oo Soomaali taasi aysan ka dhigneyn arrin ay ku mideysan yihiin dowladaha Jabuuti, Soomaaliya iyo shacabka.
"Waxaan mugdi ku jirin in shacabka Somaliyeed iyo Djibouti ay la murugoonayaan geeridii Madaxweyne hore, si niyadsan na ay u garab istaageen intii uu xirnaa, geeridiisana ay tahay maalin muqdi ah". ayuu raaciyay.
Dalalka reer galbeedka ayaa sidoo kale si rasmi ah aanan uga hadlin dhismashada Maxamed Morsi, waxaana dad uu kamid yahay Axmed Tiir ay qabaan in aamusnaantood ay su'aal gelineyso dimuqraadiyadda ay doonayaan.
"In dalalka reer galbeedka aysan ka hadlin geerida Maxamed Morsi waxaa ugu wacan in aysan dhab ka ahayn dimuqraadiyadda, xuquuql insaanka ay dadka ku wacdiyaan, waxa kale oo ugu wacan, lagana dareemayaa in dunida Islaamka aysan doonayn in ay ka dilaacdo dimuqraadiyad oo ay yeeshan shucuubta aragti iyaga khaas u ah", sidaas waxaa ku doodaya Axmed Tiir oo darsa arrimaha dunida carabta.
Waxaa kale oo uu sheegay in dalalka reer galbeedka cabsi ay ka qabaan dowlad shacabka ay soo doorteen oo qaadan karta go'aano madaxbanaan, wuxuuna intaasi ku daray in reer galbeedka aysan rabin Islaamka siyaasiga.
Maxamed Mursi oo si dimuqraadi ah loo soo doortay sanadkii 2012-ka ayaa markii xilka laga tuuray sanadkii 2013-ka, waxaa sidoo kale la xiray madaxda ururkii uu katirsanaa ee Ikhwanul Muslimiin oo qaar badan oo kamid ah na uu kala cararay dalalka dibadda.
Amra Maqdi oo katirsan hay'adda HRW ayaa sheegay in inkastoo dhimashada Mursi ay tahay mid laga naxo, haddana "la sadaalin karay", marka la eego xaaladda uu ku sugnaa iyo in aanan la siini daryeel caafimaad oo ku filan , sidoo kalena qoyskiisa iyo qareenadiisa laga hor istaagay inay la kulmaan.
Sidoo kale ururka Ikhwaanul Muslimiin ayaa dhimashada Cabdifatax Al Sisi, waxaan dadka darsa arrimaha Carabta ay qabaan in marka la eego sida degdeg ah ee loo aasay Morsi , laga dheehan karo in dowladda dalkaasi ay dooneyso inay meesha ka saarto ficil walba oo ka dhalan kara geerida Maxamed Morsi.
BBC