Nabadda Iyo Deganaanshaha Afrika Waxay Ku Dhisantahay Aqoonsiga Iyo Ilaalinta Xuduudihii Gumaysiga

0
Wednesday February 08, 2023 - 11:46:08 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1132
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nabadda Iyo Deganaanshaha Afrika Waxay Ku Dhisantahay Aqoonsiga Iyo Ilaalinta Xuduudihii Gumaysiga

    Jiritaanka, nabadgelyada iyo deganaanshaha Qaaradda Afrika

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jiritaanka, nabadgelyada iyo deganaanshaha Qaaradda Afrika



Xuduudaha Afrika, sida kuwa Dunida Carabta, Aasiya iyo Koonfur Ameerika, waxaa wada jeexay gumaystayaashii Reer Yurub waxayna ku salaysanyihiin dhulka, kuma salaysna qabiil, abtirsiimo ama isir. Qabaa’il badan oo Afrikaan ah ayaa qabiilkasta kala deganyahay dhawr dal oo Afrikaan ah taas oo ku salaysan qaabkii gumaysigu u jeexay xuduudaha. 



Qabiilka Canfarta wuxuu kala degangahay Ethiopia, Eritera iyo Djibouti. Qabiilka Tuareg wuxuu kala deganyahay Senegal, Nigeria, Mali, Niger. Qabiilka Fulani wuxuu kala deganyahay Mali, Nigeria, Niger, Chad iyo Cameroon. Qabiilka Lunda wuxuu kala deganyahay Congo, Zambia iyo Angola. Qabiilka Yoruba wuxuu kala deganyahay Nigeria, Benin iyo Togo.


Qabiilka Dir wuxuu kala deganyahay Somaliland, Djibouti, Somalia, Ethiopia iyo Kenya. Qabiilka Hawiye wuxuu kala deganyahay Somalia, Ethiopia iyo Kenya. 

Qabiilka Daarood wuxuu kala deganyahay Somalia, Somaliland, Ethiopia iyo Kenya. Qabiil Raxanweyn wuxuu kala deganyahaya Somalia, Itoobiya iyo Kenya. Qabiilkasta waa sidaas oo kale Afrika. Shirkii Qaaradda Afrika ee la qabtay 1964 ayaa soo saaray Baaq caddaynaya inaan xuduudaha Afrika ee gumaysigu jeexay la bedelikarin si Qaaradu uga nabadgasho qabaa’il isku daya inay midoobaan xornimadii kadib taas oo Qaarada Afrika u horseedikarta fawdo iyo dagaalo qabaa’il oo aan dhammaan laguna hoobto, dumiyana dawladaha Qaaradda Afrika.


 

Jiritaanka, nabadgelyada iyo deganaanshaha Qaaradda Afrika waxay ku xidhantahay ixtiraamidda, aqoonsiga iyo ilaalinta xuduudihii gumaysiga. Xuduudaha gumaysiga ayaa qeexaya dhulka, dadka, gobonimada iyo aqoonsiga dalkasta oo Afrikaan ah. Dal Afrikaan ah ma sheegankaro qayb ka mid ah qabaa’ilka dalkiisa degan oo ku nool dalkale oo ay jaaryihiin sabab la xidhiidha abtirsiimo ama isir.


 

Kooxo qabaa’il oo hubaysan oo caadifo qabiil qaaday ayaa hadda ka hor isku dayay inay qabiilkooda mideeyaan xornimadii kadib waana ku wada fashilmeen sababta oo ah ma jirto dawlad oggol ama aqbalaysa in la kala gooyo ama la kala qaybiyo dhulkeeda ku salaysan xuduudaha gumaysiga oo sharci ahaan caalamku aqoonsanyahay, lana bedelikarin. Xuduuudaha Somaliland waa la mid. Dhulka Somaliland lama kala goynkaro, Xuduudaha Somaaliland ee laga dhaxlay Maxmiyaddii Ingiriiska ee Somaliland lama bedelikaro.

 

Author: brahim Hassan Gagale

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...