Shalay Maanta U ekaa dhulbahante Vs Isaaq

0
Wednesday February 08, 2023 - 10:51:17 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1132
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shalay Maanta U ekaa dhulbahante Vs Isaaq

    Haddaba, si isaaq u diido dulinimada lagu la kacay wuxu qaaday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddaba, si isaaq u diido dulinimada lagu la kacay wuxu qaaday


26 june 1960-kii markii maxmiyadii British Somaliland proctactrate ay xornimada ka qaadatay gumaystaha ingiriis, xisbigii isaaq hogaaminayey [SNL] waxay isku raaceen in lala midoobo koonfurta somaliya 1 luulyo isla sanadkaas.



Markii laysku biirey, isaaq wuxu keenay golle baarlamaan oo ka koobnaa 33 xildhibaan kuwaas oo lagu dhex daray 90 xildhibaan oo koonfur ah sidaa ayaanay wadarta baarlamaankii somaliya uu noqday 123 xildhibaan.


Halkaa waxa ka bilaabmay kala shakigii ugu weynaa abid ee ay dareemaan isaaq, waxa intaa dheer markii reer koonfurku ay isla sanadkaas isku qaateen Madaxweyne iyo Raysalwasaarihii dalka, taliyihii ciidanka booliska, taliyihii ciidanka militaryga iyo inta badan golihii wasiirada ee xiligaa ugu mudnaa.


Haddaba, si isaaq u diido dulinimada lagu la kacay wuxu qaaday taaloobiyinkan;

1. Ugu horeyn bishii sept 1961-kii waxay cod dheer [Maya] ku diideen aftidii dastuurkii cusbaa ee dalka iyagoo muujiyey siday uga xunyihiin wixii ku dhacay

2.1961-kii dadweynaha isaaq waxay diideen bixinta cashuurta dawlada taas oo ay u arkayeen dad xoolaha looga qaadayo si aanay ugu qanacsanayn, waxa lagu xasuustaa odhaahdoodii caan baxday ee ahayd (dawlad aan na metalin cashuur siin mayno).


3.Iscasilaadii Wasiiradii isaaq:

Waxa hal mar is casilay wasiiradii isaaq, waxaanay muujiyeen sida ay uga xunyihiin sida ay reer koonfurku u maamuleen wixii ay gobonimada ugu wareejiyeen.


4.Sanadku marku ahaa 1961-kii saraakiishii isaaq ugu mudnaa waxay ku kaceen afgambi ka dhacay magaalooyinka hargiesa, bergera, cadaadley iyo burco, inqilaabkaa oo isaaq ugu dan lahaa inu kaga go' koonfurta soomaliya taas oo uu cadaalad darro ka tirsanayey.


5.Abuurida Jabhada SNM iyo abaabulka dagaaladii Dalka ku baahay:


Madaxdii isaaq waxay 6 April 1981 kaga dhawaaqeen ingiriiska Jabhadii SNM, waxay dalka ka fuliyeen dagaalo lagu hoobtay oo ay iska difaacayeen dulmigii ay markaa ka tirsanayeen maamulkii dalka.


Ugu dambayn madaxdii isaaq waxay 15 May 1991 waxay guud ahaanba ku dhawaaqeen inay ka go'een dalkii Somaliya ee ay ka tirsanaayeen.


Haddaba su'aasha isweydiinta u baahan waxay tahay muxuu kaga duwan yahay halganka dhulbahante kaa isaaq?


Jawaabtu waxa fahmi kara oo keliya qof caddaalada wax ka yaqaan oo taariikhda wax ka fahansan.


فَاقْصُصِ الْقَصَصَ لَعَلَّهُمْ يَتَفَكَّرُونَ
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...